">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Metaverse waa dunida dhijitaalka ah ee lagu dhex noolaado iyadoo la adeegsanayo internet-ka, iyo tiknoolajiyad gaar ah sida Virtual Reality (VR) iyo Augmented Reality (AR).

Waa maxay Virtual Reality?

Virtual reality (VR) waa farsamo technologiyadeedcasri ah taasoo kuuogalaanayso inaad la falgasho dunida qiyaalka eh ee Metaverse adigoo adeegsanaya aalad sida VR headset oo ah qalab indhaha iyo dhagaha la gashto waxay kaa dhigaysaa sidaa inaad dhex joogto oo kale Duni dhab ah.

Waa maxay Augmented Reality?

Augmented Reality (AR) waa technologiyad kuu ogalaanayso inaad la falgasho dunida dijital-ka ah adigoo joogo mid dhabta ah, tusaale fudud markaad isticmaalayso Apps sida Snapchat oo aad furuto camera-da aad ku aadiso wajigaaga waxuu kuu galinayaa ookiyaalo, koofiyayad ama waxyaabo kale oo naqshado ah kuwaaso aadan si dhab ah u xernayn midaas waxay noqon kartaa AR, marka laga hadlaayo Metverse Augmented Reality waxaa la xertaa qalab sida Ookiyaalo iyo headphone dhagaha la gashto waxay kuu suurta galinayaan qalabyadaas inaad duni qiyaali ah la falgasho oo aad ku dhex noolaato sida mida dhabta ah oo kale.  

Meelaha ugu caansan metaverse ee dhul laga iibsado?

Meelaha ugu caansan ee Metaverse-ka dhul laga iibsado waa suuqyo (platforms) digital ah oo kuu oggolaanaya inaad iibsato, kireysato, ama dhisto dhul dhijitaal (virtual land). Waxay ku shaqeeyaan iyadoo la adeegsanayo cryptocurrency iyo NFTs.

Goobaha ugu caansan waxaa ka mid ah:

  1. Decentraland (MANA) waa mid ka mid ah metaverse-yada ugu horeeyay waxaad ka iibsan kartaa dhul (LAND) adoo adeegsanaya lacagta cryptocurrency, gaar ahaa $MANAToken. Dhulalka dhigitalka waxaa lagu qabtaa xaflado, shirar, xayeysiin iyo ganacsi. Waa 3D Automation aad ku dhex socon karto adigii virtual ‘qiyaali ah’.

Website-kooda: decentraland.org

  • The Sandbox (SAND) waa platform labaad ugu wayn Metaverse aad ku iibsan karto dhul (LAND) kuna dhisi karto ciyaaro dukaamo, ama NFTs, waxaadna isticmaaleysaa token-ka SAND si aad dhulka u iibsatid sidoo kale Waxaa ku jira shirkado waaweyn oo adeegyadooda ku soo bandhiga sida Adidas iyo Atari iyagoo digital ah.

Website-kooda: sandbox.game

Sidee dhul lagu iibsadaa Metaverse?

  1. Diyaarso wallet crypto, Furo wallet-kaaga sida MetaMask, Trust Wallet, ama wallet kale oo kuu oggolaanaya inaad ku xirto dapps (decentralized apps).
  2. Hubi inaad leedahay oo aad haysato lacagta crypto lagu isticmaalo platform-ka aad doonayso inaad dhul qiyaali ka iibsato (tusaale MANA, SAND).
  3. Ku xir wallet-kaaga platform-ka metaverse: Booqo website-ka rasmiga ah, tusaale decentraland.org, Ku xir wallet-kaaga sida MetaMask boggooda qaybta Connect-ga
  4. Raadi dhul aad iibsan karto, Platform-ka wuxuu leeyahay marketplace ama suuq kuu oggolaanaya inaad baarto dhul kala duwan kadibna qiimee lacagta dhulka lagadayo, location-ka laga helaayo, iyo astaamaha dhulka.
  5. Samee iibsasho, Markaad hesho dhulka aad rabto, riix buyoo hubi qiimaha iyo kharashka gas fees (khidmadaha blockchain uu kaa qaadaayo).
  6. Xaqiiji lacag bixinta, kadibna dhulka wuxuu noqdaa mid adiga kuu gaar ah oo lagu diiwaan geliyay blockchain-ta.

Waa maxay lacagaha lagu iibsado dhulalka metaverse?

Ethereum (ETH) ayaa ah lacagta ugu badan ee loo isticmaalo metaverse, tokens khaas ah sida MANA (Decentraland), SAND (Sandbox), iyo qaar kale.

Ku shub wallet-kaaga lacag ku filan oo ay ku jiraan khidmadaha blockchain (gas fees).

Sidee loo ilaaliyaa dhulka digitalka ah mara la iibsado?

Dhulkaaga waxaa lagu keydiyaa NFT (Non-Fungible Token) kaas oo cadeynaya lahaanshahaaga. NFT-gaas waxaa lagu hayaa wallet-kaaga crypto, marka ilaalinta seed phrase iyo private key waa muhiim, waxaadna dhulkaaga iibin, kireyn, ama ku dhisi kartaa waxyaabo cusub hadba sida platform-ku kuu oggol yahay.

halkaan ka baro Coursada Crypto

Leave a comment