">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Real Estate waa hanti dhab ah (physical asset) sida dhulka, guryaha, ganacsiyada, iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka la ga helo (biyaha, geedaha, macdanta, iwm).

Waa mid ka mid ah hantida ugu qiimaha badan ee dadka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay nolol maalmeedka, dhaqaalaha, iyo maalgashiga ay sameeyaan.

Qaybaha Real Estate-ka uu ka kooban yahay

Residential Real Estate. waa Guryaha ay dadku dagaan yihiin sida kuwa apartments, villas, townhouses iyo Guryo la kireeyo.

Commercial Real Estate ‘Goobaha ganacsiga.’ Waa goobo ganacsi ah oo lagu shaqeeyo sida Dukaamo, Xafiisyo, Hotel & Malls iwm ah.

Industrial Real Estate, waa hantida warshadahah. Waa goobo Warshado iyo bakhaaro kuwasoo loo adeegsado in wax lagu soo saaro ama lagu kaydiyo.

Land State: Waa dhul bannaan aan la dhisin sida beeraha, kaymaha ah iyo dhulka baadiyaha aan wali la dagein.

Digital Real Estate, (Metaverse), Waa dhul online ah oo laga dhex iibsado dunida qiyaaliga ah metaverse sida Decentraland ama Sandbox.

Sidee Loo Maalgashadaa Real Estate?

Iibsasho toos ah (Direct purchase) Guri ama dhul iibso kadibna kirey ama dib u iibi, si aad faa’ido ugu samayso

Kireyn (Rental Income). Waa inaad kireysaa kadibna aad hanti kasameysaa si joogta ah sannadkii ama bilkasta.

Flipping (Iibsashada guri qiimo hoose) waa inaad iibsataa guri qiimo hoose jooga kadibna aad dib iskaga iibisaa adigoo ku iibinaya qiimo sare.

Real Estate Investment Trusts, waa inaad samayso maalgashi adi iyo koox kuna heshiisaan faa;idada, adinkoo iibsanaya hanti Real estate ah sida guryo, beero, garoomo ka dinba ka samaysaan faa’ido maalgashi

Tokenized Real Estate, waa Hanti muuqato oo loo kala qeybiyey tokens, NFTs waxaana lagu base gareeyay Crypto si loogu kala iibsado Web3.0 laguna keediyo xogtooda Blockchain.

Faa’iidooyinka uu leeyahay maalgashiga Real Estate

  • Qiimaha oo si dhaqso ah u kora, Hantida guryaha qiimahooda wuu kordhaa sanadba sanadka ka dambeeyo.
  • Passive Income, waxaa laga helaa daqli joogto ah hadii aad leedahay Real estate-yo badan aadna wada kirayso.
  • Diversification, Waa hanti ka duwan taasoo aad maalgashan karto midda aad rabto

Khatarta uu leeyahay maalgashiga Real Estate

  • Qiimaha suuqyada waxuu hoos u dhici karaa si dhaqso ah
  • Haddii la maalgashado real estate iyadoo la amaahday, waxay leedahay dul saar ‘ribo‘ waana xaaraan.
  • Waxuu u baahan yahay dayactir taasoo qiimo badan ku baxaya tusaale hagaajinta hantida aad maalgashatay sida guri
  • Waxaa loo sameyaa Real estate Xeerar sharciyeed, waxaana laga qaadaa canshuur “Dal walba wuxuu leeyahay nidaam u gaar ah uu ku wajahao Real estate.

Maxuu ka qabaa Sharciga Islaamka in la maalgashto Real Estate?

Real Estate waa mid si buuxda xalaal u ah hadii hantida lagu maalgashado ay tahay mid nadiif ah aan riba laga halayn ama qiyaano ku jirin, meesha laga iibsanaayo aan lagu shaqeynin wax xaaraan ah, dhaqaalaha laga helo sida kirada ama dib iska iibinta uu yahay mid xalaal ah aan dayn dulsaar saaran tahay lagu iibin.

Talooyinka la xariiro maalgashiga real estate qofka bilaabaya

  • Marka kowaad Samee cilmi baaris suuqeed baar hantida aad doonayso inaad maalgashato ‘location ‘goobta ay kutaalo’, qiimaheeda, koboc la rajeenaayo mustaqbalka hantidaas ogaaw ma leedahay suuq fiican.
  • Marka labaad dooro nooca maalgashi sida kiraysasho ama iibsi toos ah
  • Marka 3aad ogaaw sharciga ku saabsan dhulka iyo canshuurta dalka aad ka maalgashanayso Real estate.
  • Marka 4aad iska ilaali ribo iyo qiyaano si maalgashigaaga u waafaqo Shareecada islaamka
  • Marka 5aad ku bilaaw maalgashigaaga wax yar Bilow tusaale iibso qol dhab ah ‘Adduunka aan ku noolnahay’ ama mid qiyaali ah ‘dunida metverse’ haddii aad wax ka fahansan tahey technologiyada.
  • Marka 6aad, kaydso documents-kaaga cadeynaya inaad dhulka ama dhismaha leedahay, hadii aad ka iibsatay metverse waxaa lagu keedinayaa Blockchain.

Mustaqbalka Real Estate

Teknoolajiyadaha sida Metverse, AI, blockchain, NFTs iyo Smart contracts waxay beddeli doonaan sida loo iibiyo loona kiraysto hantida Real Estate ah. Waxa soo kor dhay oo maalgashiga ugu badan lagu samayn doonaa Virtual Real Estate (Metaverse), waa mid ka mid ah maalgashiyada ugu dhaqaalaha iyo faa’iidada badan, kaasoo si qiyaali ah loo maalgashto ama loo iibsado waxaad ka kasban kartaa lacag joogto ah return incoime hadii aad dhul ka iibsato metverse oo aad dib u kirayso.

Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment