Maadaama lacagaha dhijitaalka ahi (cryptocurrency) noqdeen kuwo si weyn loogu ganacsado, maalgashadayaal badan ayaa raadinaya siyaabo caqli ku dhisan oo ay go’aanno sax ah ugu gaadhi karaan maalgashigooda, iibintooda ama haynta hantidooda dhijitaalka ah. Laba ka mid ah hababka ugu caansan ee loo adeegsado go’aan qaadashada suuqyada maaliyadeed taxliilinta farsamaysan (Technical Analysis) iyo taxliilinta wararka ah (Fundamental Analysis) ayaa si weyn loogu adeegsadaa suuqyada crypto. Inkastoo labadaas hab ay isku dayayaan in ay saadaaliyaan dhaqdhaqaaqa qiimaha, haddana waxay adeegsadaan xeelado iyo agabyo aad u kala duwan. Maqaalkani waxa uu si qoto dheer u faaqidayaa labadan hab, sida loo adeegsado, iyo faa’iidooyinka iyo caqabadaha uu mid kasta leeyahay.
Waa maxay taxliilinta farsamaysan (Technical Analysis) ?
taxliilinta farsamaysan waa hab lagu falanqeeyo xogtii hore ee suuqa gaar ahaan qiimaha iyo mugga ganacsiga si loo saadaaliyo dhaqdhaqaaqa mustaqbalka ee qiimaha. Habkani wuxuu ku saleysan yahay fikirka ah in dhammaan xogaha muhiimka ah ay horey ugu jiraan qiimaha hantida, isla markaana qiimuhu uu raaco qaabab aad isugu eeg.
Waxyaabaha muhiimka u ah taxliilinta farsamaysan ee suuqa crypto:
- Shumacyada suuqa
Waa xarriijimaba cagaarka iyo casaanka kala ah badanaa, ee shaashadaha ka muuqda inkasta oo midabka laga beddeli karo.

Waxay muujinayaan meesha uu ka bilawday qiimuhu, halkii u sarraysay ee uu gaadhay, halkii u hooseysey ee uu gaadhay iyo meesha uu ku xidhmay qiimuhu muddo go’an gudaheed (tusaale: 1 saac, 1 maalin). Ganacsatadu waxay raadiyaan qaabab jaantusyeed la garanayo sida doji, hammer, ama engulfing candle si ay u fahmaan jihada suuqa.
- Tilmaameyaasha iyo Calaamadaha Dhaqdhaqaaqa
Moving Averages (MA):- waxay tusiyaan dhaq-dhaqaaqa qiimaha oo muujin kara jihada suuqa.
RSI (Relative Strength Index):- waxay muujisaa in lacagta si xad dhaaf ah loo iibiyay ama loo iibsaday.
MACD:- waxay kaa caawisaa in aad garato isbeddellada xawliga leh.
Bollinger Bands:- waxay muujinayaan volatility-ga suuqa iyo fursadaha jabinta qiimaha ee meel cayiman.
- Trendlines-ka iyo Heerarka Support-ga/Resistance-ga.
Trendlines-ka la sawiro waxay muujin karaan jihada suuqyada. Support-gu waa heer qiimeed ay iibsadayaashu ku xoog badan yihiin, halka Resistance-gu yahay heerka ay iibiyeyaashu caadiyan ku hakiyaan koritaanka qiimaha.
Faa’iidooyinka taxliilinta farsamaysan:
- Aad ayay ugu habboon tahay ganacsiga muddada gaaban.
- Waxay caawisaa go’aaminta goorta la galo ama laga baxo suuqa.
- Waxaa loo adeegsan karaa hanti kasta oo leh xog taariikheed.
Caqabadaha:
- Ma tixgeliso dhacdooyinka dhabta ah sida wararka ama sharciyada.
- Qaababka suuqu mar walba ma shaqeeyaan sababta oo ah xasillooni darrida suuqyada crypto awgeed.
- Waxa ay ku tiirsan tahay fikirka qofka falanqeynaya.
Waa maxay Falanqaynta wararku (Fundamental Analysis) ?
Falanqaynta wararku waxay diiradda saartaa qiimaynta dhabta ah ee hantida iyadoo la eego xaaladaha dhaqaale, maaliyadeed, iyo kuwa tiknooloojiyadeed ee la xidhiidha mashruuca. Halkii laga eegi lahaa Shumacyada, habkani wuxuu kaa haqabtirayaa in aad fahanto sababta lacag dhijitaal ah ay u tahay mid qiimaheedu hooseeyo ama sarreeyo.
Qodobbada Muhiimka ah ee Falanqaynta wararka:
- Kooxda Mashruuca iyo Horumarintiisa
Koox khibrad leh oo si hufan u horumarinaysa mashruuca waxay kor u qaadaysaa kalsoonida. Waa muhiim in aad akhriso Xeerarka mashruuca (whitepaper), la eego GitHub, iyo qorshaha horumarinta.
- Tokenomics (Qaabka lacagtu u shaqeyso)
Tirada guud, Tirada wareegaya, heerka kordhinta (inflation) coins-ka, iyo sida lacagta loo adeegsan karo ayaa muhiim ah. Lacagaha leh xadidnaan iyo adeeg dhab ah waxay yeelan karaan koboc meel sare gaadha.
- Adeegsiga Dhabta ah iyo La-qabsiga Suuqa
Mashruucyo leh adeegyo dhab ah iyo isticmaalayaal sii kordhaya, sida smart contacts-ka Ethereum ama Oracle-ka Chainlink, waxay leeyihiin fursado weyn.
- Bulshada iyo Ecosystem-ka
Bulsho adeegsata mashruuca oo firfircoon waxay kordhisaa kalsoonida kuwa ku cusub.
- Xogta On-chain-ka ah
- Cinwaanno firfircoon:– Waxay muujiyaan in isticmaal dhab ah jiro.
- Mugga wax is-weydaarsiga:– Mug sare ayaa tilmaamaya adeegsiga shabakaddu inuu yahay mid cammiran..
- Hash Rate:– Waxa uu tilmaamayaa amniga shabakadda.
- Waxqabadka Horumariyeyaasha:- Waxa uu Muujinayaa firfircoonida kooxda.
- Wararka iyo Xeerarka dawladaha
Warka wanaagsan sida in mashruuca madal cusub lagu daro ama ETF loo sameeyo ama oggolaanshaha dowladeed uu helo waxay kiciyaan qiimaha, halka wararka xun ay hoos u dhigaan.
Faa’iidooyinka:
- Waxay diiradda saartaa qiimaha fog iyo joogtaynta mashruuca.
- Waxay kaa caawinaysaa in aad garato lacagaha aan laga warhayn ee mustaqbalka leh.
- Waxay bixisaa sawir guud oo ku saabsan caafimaadka mashruuca.
Caqabadaha:
- Kuma fiicna ganacsiga muddada gaaban.
- Waxa ay u baahan tahay cilmi baadhis dheer.
- Suuqyada crypto mararka qaar si aan macquul ahayn ayey u dhaqmaan oo khilaafsan sida aad filayso.
Kee ayaa ugu habboon maalgashadayaasha?
Waxay ku xidhan tahay yoolkaaga, Ganacsatada muddada gaaban waxay inta badan adeegsadaan taxliilinta farsamaysan si ay uga faa’iidaystaan is-beddelka qiimaha.
Maalgashadayaasha muddada dheer waxay isticmaalaan falanqaynta wararka ah si ay u doortaan mashruucyada leh mustaqbalka wanaagsan.
Qaar badan oo ka mid ah ganacsatada guuleystay waxay adeegsadaan labadaba. Tusaale ahaan, waxay isticmaalaan taxliilinta farsamaysan si ay u doortaan lacagaha ay xiiseynayaan, kadibna taxliilinta wararka si ay u go’aamiyaan waqtiga ku habboon ee ay la falgeli karaan suuqa.
Tusaale: Adeegsiga Labada Hab
Aan tusaale u soo qaadanno Ethereum:
Falanqaynta wararka : Ethereum waxay leedahay koox xooggan, codsiyo badan sida smart contracts iyo DeFi, waxayna u wareegtay nidaamka proof-of-stake si ay u yareyso isticmaalka tamarta.
Falanqaynta Farsamada: Ganacsade ayaa u adeegsada RSI, MACD, iyo shumacyada si uu u ogaado waqtiga ugu habboon ee uu galo suuqa.
Isku darka labada hab ayaa dhisaya istiraatiijiyad dhammaystiran, sidoo kale waxaa jira istiraatiijiyado badan oo aad ku falanqayn karto suuqan sida ICT, Price action….. IWM.
Fahanka taxliilinta farsamaysan farsamada iyo taxliilinta wararku waa muhiim si loo maareeyo suuqyada lacagaha dhijitaalka ah ee degdegga isu beddelaya. Halka taxliilinta farsamaysan ay muujiso waxa ka dhacaya suuqa, taxliilinta wararku waxay sharraxaysaa sababta ay u dhacayaan. Marka labadooda si wadajir ah loo adeegsado, waxay bixiyaan aragti buuxda oo kor u qaadaysa go’aan qaadashada caqliga ku dhisan. Haddii aad tahay ganacsade maalmeed ama maalgashade fog, fahanka hababkan waxay kaa dhigayaan mid xooggan oo tartan gal ka ah suuqyada crypto.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo