">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhowow Gelle Crypto – meeshan waxa heli karta wararka ugu muhiimsan ee la xiriira crypto, blockchain, iyo dhaqaalaha casriga ah si maalinle ah.

1. Shirkad weyn oo aan la shaacin ayaa iibsatay 145 $BTC oo qiimahoodu yahay $13.6M. Hadda waxay haysataa 5,000 $BTC kayd ahaan.

2. Dowladda Ruushka ayaa qorsheyneysa inay bilaabaan suuq-weyne crypto ah (crypto exchange) oo si wadajir ah u maamuli doonaan Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, looguna talagalay maal-gashadeyaasha aqoonta leh.

3. BlackRock ETF-ka Bitcoin-ka ayaa iibsatay 6,890 $BTC oo qiimahoodu yahay $643.2M taariikhdu markay ahayd Abriil 23, taasoo muujineysa kalsooni sare oo maalgashadayaasha waaweyn ay ku qabaan BTC.

4. Paul Atkins, guddoomiyaha cusub ee SEC, ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shir weynaha SEC ee crypto kaasoo dhici doona Jimcaha.

5. Polygon Labs ayaa la midoobtay shirkadda Pyse si ay u token-gareeyaan mootooyin korontada ah oo lagu keeno alaabta gudaha Dubai Waxay sidoo kale qorsheynayaan inay ballaariyaan mashruucaasi gudaha Hindiya.

6. Nick Turley, madaxa ChatGPT (OpenAI), ayaa sheegay in haddii maxkamad ku qasabto shirkada Google inay iibiso Chrome, ay OpenAI diyaar u tahay inay iibsato – isagoo ugu yeeray “furaha khibradda AI-da ee mustaqbalka.” (key to an “AI-first” experience).

7. SolStrategies waxay heshay $500M oo ah deyn beddeli karta saamiyo (convertible note) oo ay bixisay ATW Partners – taasoo noqotay maalgelintii ugu weyneyd ee taariikhda ecosystem-ka Solana.

8. Elon Musk ayaa sheegay inuu hoos u dhigi doono doorkiisa DOGE Office ee Aqalka Cad, isagoo yiri “hawshii weynayd way dhamaatay” – wuxuuna dib diiradda u saarayaa shirkaddiisa Tesla.

9. PayPal waxay bilaabeysaa bixinta 3.7% abaal-marin sanadle ah oo la siinayo dadka kaydsada stablecoin-keeda $PYUSD, tan ayaa imaanayso iyadoo suuqa stablecoins ka si weyn loogu tartamayo.

10. John D’Agostino oo ka tirsan Coinbase ayaa sheegay in maal-gashadeyaasha ugu xooggan bishan ay ahaayeen Sovereign Wealth Funds iyo hay’adaha maaliyadeed (Institutions).


🪙 Warar kale oo muhiim ah:

  • Satoshi Nakamoto ayaa hadda haysta Bitcoin ka badan $100 bilyan USD.
  • Gobolka Alabama wuxuu joojiyay dacwaddii uu ka gudbiyay Coinbase.
  • 220-ka qof ee ugu hodansan ee haysta $TRUMP token waxay iska diiwaangelin karaan casho khaas ah oo lala qaadanayo Madaxweynaha Mareykanka.

📢 La soco wararkeenna maalinlaha ah ee suuqyada crypto, Web3 iyo blockchain:
#SomaliCrypto #CryptoNews #GelleCrypto #BitcoinSomalia #Web3Africa #BlockchainSomalia

👀 Booqo: www.gellecrypto.com si aad ula socoto wararka ugu cusub!

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment