Wararka Maanta ee Suuqa 14-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.38 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 97.48 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,074.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $632.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.01.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.46.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Senatarad Elizabeth Warren oo ka tirsan Aqalka Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku saabsan “Romance Scams” (Khayaanada Jacaylka) ee loo adeegsado Crypto, iyadoo ugu baaqday sarrifyada inay xayiraan Account-yada shakiga leh.
  • Guddiga Yurub ayaa maanta soo jeediyay in “Privacy Coins” (sida Monero) aan loo ogolaan in loo isticmaalo lacag bixinta adeegyada bulshada, waa qayb ka mid ah  sharciga cusub ee AMLR.
  • Waaxda Canshuuraha Koonfur Afrika (SARS) ayaa maanta shaacisay inay isticmaali doonto Ai si ay ula socoto dadka aan bixin canshuurta Crypto sanadkii 2025.
  • Qaramada Midoobay ayaa maanta daabacday warbixin ku talinaysa in DAOs (Decentralized Autonomous Organizations) la siiyo aqoonsi sharci oo caalami ah si loo ilaaliyo xubnaha.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Xogta usbuucan soo xirantay ayaa muujinaysa in wadarta $1.2 Bilyan ay soo gashay Bitcoin ETFs, inkastoo shalay (Jimco) ay jirtay xoogaa lacag bixitaan ah.
  • Warar suuqa ah oo maanta soo baxay ayaa sheegaya in shirkadda saliidda ee Saudi Aramco ay tijaabinayso nidaam Blockchain ah oo lagu maamulo silsiladda saadka (Supply Chain).
  • Sanduuq hawlgab ee Australia ayaa maanta shaaciyay inay 0.5% hantidooda u qoondeeyeen Bitcoin, iyagoo u arka “Digital Gold”.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Token-ka Cupid Inu ($CUPID) ayaa maanta noqday kan ugu shidan suuqa, isagoo kor u kacay 350%.
  • Sarrifka KuCoin ayaa maanta liis-gareeyay token cusub oo la yiraahdo NeuralNet (NET), kaasoo diiradda saaraya kaydinta xogta AI.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Inkastoo ay Sabti tahay, Tether ayaa maanta daabacday 200 Milyan oo USDT cusub, taasoo inta badan ka dhigan diyaargarowga iibsiga Axadda ama Isniinta.
  • Boorso lala xiriiriyo Vitalik Buterin (abuuraha Ethereum) ayaa maanta dhaqaajisay 200 ETH, iyadoo loo wareejiyay hay’ad samafal ah.
  • Hal Whale ayaa maanta 50 BTC ($3.3 Milyan) u diray boorso cusub, iyadoo fariinta macaamilka (Transaction Note) lagu qoray “Happy Valentine’s Day”.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Horumariyayaasha Ethereum ayaa maanta soo jeediyay halbeeg cusub oo loogu talagalay “Smart Wallets“, kaasoo u ogolaanaya in akoonnada la soo celin karo haddii furaha la lumiyo.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Mashruuca Worldcoin ayaa maanta soo saaray qalab tijaabo ah oo lagu ogaanayo videoyada been-abuurka ah (Deepfakes) ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article