">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.76 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 3.19%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (57), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $756.83 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $700.24 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $115,292, hoos u dhac ah 2.59% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 4.91% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,641.50.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 4.71% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.98.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 6.09% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $169.16.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump ayaa yidhi “haddii powell sii wado diidmada hoos u dhigidda dulsaarka, guddiga FED waa in ay arrinta la wareegaan oo ay qabtaan waxa loo baahanyahay.”

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo kor u qaadaya canshuuraha lagu soo rogi doono Canada laga bilaabo 25% ilaa 35%, kaasoo dhaqan galaya 1-da August, 2025-ka.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay Amar Fulineed si uu u sii beddelo heerarka canshuuraha lagu soo rogayo dalalka caalamka.

Hay’adda maaliyadeed ee UK ee FCA ayaa qaaday mamnuucida Exchanges-Traded Note (ETN-yada) crypto ee maalgashadayaasha tafaariiqda, iyadoo ogolaatay inay helaan suuqyada la ansixiyay ee UK.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 31-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 20,406 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.36 billion, waxaana ka baxay 24,694 BTC oo u dhiganta $2.86 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda maalgashiga hantida maguurtada ah ee Cardone Capital oo leh hantid $5.1 bilyan ayaa iibsatay 100 $BTC oo qiimahoodu yahay $11 milyan iyadoo qiimuhu hoos u dhacay.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

in ka badan 83.6% ee hantida dhabta ah ee la token gareeyay (RWA) waxay ku jirtaa $ETH, Ethereum ayaa si weyn u hoggaaminaysa suuqa RWA.

Hantida la token gareeyay ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo ilaa ku dhawaad $19 tirilyan marka la gaadho 2033-ka, sida ay sheegtay Ripple.

Coinbase waxay hadda haysataa 11,776 $BTC, taasoo ka dhigaysa shirkadda 10aad ee ugu weyn ee haysata Bitcoin, iyadoo ka sarreysa Tesla.

Shirkadaha Grayscale, VanEck, Bitwise, Canary, Franklin Templeton, Fidelity, iyo CoinShares ayaa gudbiyey foomka cusboonaysiisan ee S-1 si ay u cusbooneysiiyaan Solana ETFs-kooda.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $114.8 milyan oo ah $BTC ayaa la iibiyey halka $17 milyan oo ah $ETH la iibsaday 31-kii July.

BlackRock spot Ethereum ETF ayaa iibsaday 4,780 $ETH oo qiimahoodu yahay $18.2 milyan taariikhdu markay ahayd July 31-keedii.

ETF-ka iShares Ethereum ee BlackRock wuxuu helay qulqul-dakhli (inflows) rikoodh ah bishii July oo ka badan $4 bilyan, taasoo ka dhigaysa qulqulkii ugu weynaa ee hal bil gudaheed soo gala tan iyo markii la bilaabay.

  1. 🪙 Stablecoin

Hong Kong ayaa bilawday nidaam shati siinta stablecoin-yada, iyadoo lagu xidhayo shuruudo adag oo ay ka mid yihiin in 100% keyd dhab ah (reserve) laga haysto stablecoin kasta iyo in si buuxda loo shaaciyo xogta la xidhiidha stablecoin-ka.

  1. ☢ Xogta dhaca crypto

Weerarrada crypto-ga bishii July waxay gaadheen wadarta $142M, iyadoo weerarka ugu weyn uu ahaa kan lagu qaaday CoinDCX oo lagu xaday $44.2M, sida uu sheegay PeckShield.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment