Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.11%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 57%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha.
In ka badan $628.09 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $409.63 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $116,725, kor u kac ah 3.22% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 3.20% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,298.4.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.95% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.93.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 5.36% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $217.5.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah kharashaadkeedii u xayirmay ka dib markii Congress-ku ku guul darreystay inuu ansixiyo sharciga maalgelinta ku meel gaadhka ah (stopgap funding bill).
SEC ayaa baareysa qorshe lagu oggolaanayo noocyada saamiyada ku saleysan blockchain in lagaga ganacsado crypto exchanges, sida uu sheegay wargayska The Information.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Waxaa la iibsaday qiyaastii $429.9M oo $BTC ah iyo $127.5M oo $ETH ah taariikhdu markay ahayd Septembar 30-keedii.
BlackRock spot Ethereum ETF ayaa iibsatay 30,260 $ETH oo qiimahoodu yahay $127.5M taariikhdu markay ahayd Septembar 30-keedii.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Thumzup ayaa bixisay $2.5M maalgelin oo loogu talagalay DogeHash Technologies, si loo ballaadhiyo awoodda Dogecoin mining-ka loona dedejiyo dejinta qalabka cusub ee mining-ka.
Saamileyda Vanadi Coffee ayaa ansixiyay maalgashi dhan $1.17 bilyan oo lagu sameynayo $BTC.
REX-Osprey ayaa iibsatay $18.3 milyan oo $SOL ah.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
CZ ayaa xaqiijiyay in akoonka BNB Chain ee X dib loo soo celiyay kadib weerar hack ah oo saaka lagu qaaday.
Qiyaastii $13K ayaa la dhacay, waxaana la xaqiijiyay in dhibbanayaasha la magdhabi doono.
Stripe’s Bridge ayaa soo bandhigtay Open Issuance, madal u oggolaanaysa shirkadaha inay abuuraan oo maamulaan stablecoins-kooda gaarka ah.
Aptos ayaa iskaashi la samaysay shirkadda qoyska Trump WLFI si loogu dhex daro USD1 stablecoin.
Aasaasaha Telegram, Pavel Durov, ayaa shaaca ka qaaday inuu ahaa maalgashade hore oo Bitcoin, isagoo iibsaday kumanaan $BTC ah sanadkii 2013 qiimihiisuna ahaa qiyaastii $700 midkiiba.
Wuxuu sheegay in Bitcoin ay gaadhayso $1,000,000 isagoo intaa ku daray, “Ma iibin doono.”
🤖 6. AI iyo Web 3.0
GE Aerospace iyo Merlin waxay bilaabeen mashruuc lagu sameynayo nidaam duulimaad aan duuliye lahayn oo ku shaqeeya AI, oo loo yaqaan “autonomy core.” Nidaamkan wuxuu ka faa’iideysanayaa Garaadka macmalka ah si uu u suurtogaliyo duulimaad madax-bannaan, taasoo u horseedi karta isbeddel weyn qaybaha sida difaaca iyo loojistikada, iyadoo la dhimayo baahida loo qabo duuliyayaal bini’aadam ah isla markaana la kordhinayo waxtarka hawlgalka.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo