Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.14 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.85%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 47%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 54% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $417.7 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $274.03 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $121,571, hoos u dhac ah 1.32% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.95% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,344.72.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1272.59, sameeyayna hoos u dhac dhan 1.23%24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.51% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.81.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.27% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $221.54.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Wargayska CNBC ayaa sheegay in Madaxweyne Trump liiska musharrixiinta Guddoomiyaha Federal Reserve (Fed Chair) uu hadda ku soo koobmay shan qof:

  • Michelle Bowman
  • Christopher Waller
  • Kevin Hassett
  • Kevin Warsh
  • Rick Rieder

Bangiga ugu weyn Peru, Banco de Crédito del Perú (BCP), ayaa bilaabay Criptococos, oo ah madashii ugu horreeysay ee crypto la xidhiidha ee dalkaas laga aasaaso, taasoo oggolaansho ka heshay SBS oo ah haayadda maamusha bangiyada iyo shirkadaha caymiska.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin (BTC) waxay heleen qulqul cusub oo maalgashi oo dhan $197.8 milyan Oktoobar 9-keedii, halka Ethereum (ETH) ETFs ay soo afjareen 8 maalmood oo xidhiidh ah oo ay lacag soo galaysay, iyagoo diiwaangeliyay $8.7 milyan inay ka baxday.

ETF-yada BlackRock ayaa Oktoobar 9-keedii iibsaday 2,070 $BTC oo qiimahoodu yahay $255.5M iyo 8,690 $ETH oo qiimahoodu yahay $39.3M.

JPMorgan ayaa saadaaliyay in ETF-yada Solana (SOL) ay heli karaan qulqul lacageed dhexdhexaad ah oo qiyaastii $1.5B ah sanadka ugu horreeya. Taasi waa ku dhowaad 1/7 qulqulkii ay heleen ETF-yada Ethereum (ETH). Shirkaddu waxay sabab uga dhigtay in Dalab maalgashi uu ka hooseeyo ka ETH iyo Suurtagalnimada “daal maalgashi” (investor fatigue) oo ka dhex abuurmay maalgashadayaasha ka dib maalgashigii weynaa ee ETF-yada hore galay.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Bitmine Immersion ayaa iibsatay 23,823 $ETH oo qiimahoodu dhan yahay $103 milyan.

Ganacsade ayaa furay trade uu $ETH ku sell-gareeyay waxa uuna fadhiyaa trade-kaasi $329M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Metaplanet waxay si ku-meelgaadhka ah u joojisay xuquuqda iibsiga saamiyada ee taxanaha 20aad ilaa 22aad, iyadoo ujeedadu tahay in la hagaajiyo istaraatiijiyadda maaliyadeed isla markaana la ballaadhiyo hantida Bitcoin ee shirkadda.

Maamulaha Coinbase ee Brian Armstrong ayaa sheegay in wallet-ka Base App ay soo saari doonaan dhammaanka sannadkan.

HashKey Group ee Hong Kong ayaa si qarsoodi ah ugu gudbisay codsiga IPO gudaha Hong Kong, iyagoo doonaya in ay iska diiwaangeliyaan sanadkan, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

Roger Ver oo ka mid ah maalgashadeyaashii ugu horreeyay ee maalgashaday Bitcoin ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay Waaxda Caddaaladda Mareykanka (DOJ) oo ku saabsan eedeymo la xidhiidha canshuur-bixinta oo uu ka baaqsaday, sida uu sheegay wargayska New York Times.

Heshiiskan wuxuu ku waajibinayaa inuu bixiyo $48 milyan si uu u xalliyo dacwadaha ka dhanka ah.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Qiime suuqeedka shirkadda Nvidia ayaa gaashay $4.75T.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay magacaabi doonto “Digital Champion” oo xilkiisu yahay inuu dhiirrigeliyo oo dedejiyo adeegsiga farsamada blockchain ee qaybta maaliyadda.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment