Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.96 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.71%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Bitcoin oo haysata 59% oo ah hantida suuqan crypto ku jirta halka Altcoins-ku ay haystaan 41%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 43% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashadeyaasha suuqa.
In ka badan $292.40 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $155.76 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $114,036, kor u ka ah 1.57% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.10% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,435.20.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.62% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.01.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.21% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $223.22.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Hindiya ayaa diidday hirgelinta qaab-dhismeed buuxa oo lagu maamulo crypto sababo la xidhiidha welwelka khatarta nidaamka crypto yeelan karo.
Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko ayaa ku boorriyay bangiyada inay ballaadhiyaan isticmaalka lacagaha dhijitaalka ah maadaama cunaqabatayntu saamayn ku yeelatay dhaqaalaha.
La-taliyaha cusub ee Aqalka Cad (White House) ee arrimaha crypto, Patrick Witt, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loo hirgeliyo sharciga stablecoin, sharciga qaab-dhismeedka suuqa iyo in la aasaaso kaydka crypto ee Maraykanka.
SEC waaxdeeda Crypto Task Force ayaa la kulantay Mysten Labs, kooxda ka dambeysa $SUI, September 9-keedii si ay uga wada hadlaan qaababka wax looga qaban karo arrimaha la xidhiidha xeer u dejinta hantida crypto.
SEC ayaa dib u dhigtay go’aanka ku saabsan Bitwise Dogecoin ETF iyo Grayscale Hedera ETF, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ee cusub laga dhigay 12-ka November.
Baarlamaanka Kyrgyzstan ayaa ansixiyay sharciga ku saabsan soo bandhigida qalab leedahay dawladdu oo lagu qodo (Mine) cryptocurrency.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Waxaa la iibsaday ku dhawaad $23M oo $BTC ah iyo $44.2M oo $ETH ah September 9-keedii.
BlackRock spot ETFs waxay iibsadeen 1,510 $BTC iyo 10,270 $ETH September 9-keedii.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- Justice for Iryna (IRYNA) iyo Snorter Bot Token (SNORT) ayaa ka mid ah Tokens-kii ugu dambeeyay ee soo baxay, iyada oo Token-ka IRYNA uu kor u kacay 600% halka SNORT gaadhay qiime suuqeed dhan $80B.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Circle waxay ku daabacday 500,000,000 $USDC shabakadda Solana, taas oo guud ahaan ka dhigaysa 1.2B $USDC in la daabacay bishan gudaheeda.
Shirkadda Japanese-ka ah ee Metaplanet, waxay soo ururisay ¥205 bilyan oo dheeri ah si ay u iibsato Bitcoin cusub.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Binance iyo Franklin Templeton ayaa iska kaashanaya horumarinta adeegyo la xidhiidha hantida dhijitaalka ah.
Baahida ka imanaysa ciwaannada urursada $BTC ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid iyadoo in ka badan 266,000 $BTC la urursaday, taasoo muujinaysa in dadka haysta $BTC muddada dheer ay sii xoogaysanayaan.
Trump Media ayaa cusbooneysiisay madasheeda Truth Social si ay u xidhaan barnaamijkeeda abaalmarinta dhijitaalka ah (Gems) iyo cryptocurrency, taasoo u oggolaanaysa isticmaalayaasha inay u beddelaan “gems” ay ka heleen hawlaha madasha gudaheeda ah $CRO tokens iyada oo loo marayo kaabayaasha Crypto.com.
Vietnam waxay ogolaatay tijaabo shan sano ah oo ku saabsan ka ganacsiga crypto, iyadoo la rabo in dhammaan wax isweydaarsiga lagu saleeyo lacagta đồng-ka ee Vietnam.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Saamiyada shirkadda Oracle ayaa kor u kacay kadib markii dakhliga ay ka heleen adeegyadeeda cloud AI-ga ah uu gaadhay $144B.
Apple ayaa soo bandhi doonta barnaamij AI ah oo hadalka isla markaaba turjumi doona.
🖼 8. NFT iyo DeFi
Immutable iyo madalaha kale ee ciyaaraha blockchain ayaa bilaabaya hanti ka dhigidda ciyaaraha ku saleysan NFT, taasoo u oggolaaneysa ciyaartoyda inay si dhab ah u lahaadaan oo u kala iibsadaan alaabaha ciyaarta dhexdeeda ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo