Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.95 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.43%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysra 67% oo ah hantida suuqan crypto ku jirta halka Bitcoin ay haysato 33%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 47% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashadeyaasha suuqa.
In ka badan $287.08 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $158.46 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $114,036, kor u ka ah 0.03% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.22% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,398.60.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.22% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.99.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.39% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $227.52.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Xogta CPI-ga ayaa ku soo baxday 2.9% oo ah tiradii la filayay inay noqoto, warkan ayaa noqday mid doollarka u xun.
Dalalka Afrika ee loo yaqaanno Sub-saharan ayaa noqday gobolka saddexaad ee ugu dhaqsaha badan qaadashada crypto, kadib Aasiya-Baasifigga iyo Latin America, sida ku cad warbixinta Chainalysis.
SEC ayaa dib u dhigtay go’aanka ku saabsan ETFs-ka $XRP iyo $SOL ee Franklin Templeton, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ka dhigtay November 14.
Shiinaha ayaa qorsheynaya inuu mamnuuco shirkadaha internet-ka waaweyn iyo hay’adaha dawliga ah ee ku sugan Hong Kong inay ka qayb qaataan halawlaha crypto iyo stablecoin, iyadoo xoogga la saarayo dhaqaalaha dhabta ah (Real economy).
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Qiyaastii $741.5M oo $BTC ah iyo $171.5M oo $ETH ah ayaa la iibsaday September 10-keedii.
Fidelity spot ETFs ayaa iibsaday 2,680 $BTC iyo 11,490 $ETH September 10-keedii.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- OPEN Token oo Ka mid ah HODLer Airdrops-ka Binance, token-ka OpenLedger $OPEN wuxuu leeyahay tiro gaadhaysa10 milyan tokens oo hadda suuqa ku jirta kuwaas oo la siiyay dadkii mashruuca taageeray, halka uu 200% kacay kadib markii Binance soo list-gareysay.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Ganacsatada Bitcoin ee haysta boorsooyin u dhexeeya 100–1,000 oo $BTC ah, ayaa iibsasay 65,000 $BTC toddobadii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigaysa in ay hadda ay haystaan rikoodh cusub oo ah 3.65 milyan $BTC, sida ay muujinayso xogta Glassnode.
Bitmine ayaa iibsatay 46,255 $ETH oo qiimahoodu yahay $201M, taasoo kaydkeeda guud ka dhigaysa 2,126,018 $ETH oo qiimahoodu yahay $9.2B.
Shirkadda $CPOP ee dalka shiinaha ayaa iibsatay 300 Bitcoin oo ah iibsigeedii ugu horreeyay ee kaydkeeda Bitcoin.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Aasaasaha Binance ee CZ aya yidhi “Habka ugu fiican ee loo horumariyo dhaqaalaha waa in la qaato hal-abuurka. Inaad iska diido waxa cusub mar walba waxay dhaawacdaa shacabka.”
🤖 7. AI iyo Web 3.0
NVIDIA ayaa soo bandhigtay jiilka cusub ee chips-ka AI ee “Rubin CPX,” kuwaas oo loogu talagalay hawlaha adag sida soo saarista muuqaallada iyo softwares-ka, waxaana la qorsheeyay in la soo saaro sannadka dambe.
OpenAI ayaa saxiixday heshiis $300B ah oo ay la gashay Oracle si ay u iibsato awoodda xisaabinta dhan 4.5GW, muddo shan sano ah, sida uu sheegtay wargayska WSJ.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
2 Comments
Abdirahman Hassan
Asc Mr Gella bashiir sxb waxaan ahay nin dhallinyara ah oo jooga gobalka gedo degmada Beledxaawo , sxb waxaan aad ooga faa’ideystaa barnaamijyadaada waxaan rabaa in aan furta media cusub waxaan rabaa in aad iiga soo tala bixisid qaabkii aan u waji lahaa iyo qalabka ogu muhiimsan oo aan u baahanah kuwo tayo leh oo aan awoodi karo , waad ku mahadsantahay barnaamijyada aad dhallinyara la wadaagto.
Sulayman
wcs wll, aad ayaad ugu mahadsan tahay taageeradaada, fadlan muuqaalkeenna youtube-ka aan kaga hadlayno sida loo samaysto youtube guulaysta 2025-ka daawo.
https://youtu.be/wkUmGyi8E4A?si=clhIg8_0UYASxzUR