">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.66 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 3.60%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (70), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

BTC ayaa gaadhay meeshii abid u sarraysay oo ah $118,856.47, sidoo kale waxaa iyaguna kor u kac fiican sameeyay Altcoins-ka.

In ka badan $463.24 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $384.8 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $117,093, hoos u dhac ah 3.60% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.5% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,980.70.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.67% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.90.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 4.21% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $159.74.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Fed, FDIC, iyo OCC ayaa si wadajir ah u soo saaray tilmaamo u oggolaanaya bangiyada inay kaydiyaan crypto, iyadoo la adkeynayo maareynta khatarta iyo mas’uuliyad buuxda oo ay qaadaan haddii ay hayaan furayaasha macaamiisha.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 14-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 54,151 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $6.49 billion, waxaana ka baxay 47,321 BTC oo u dhiganta $5.67 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa ku soo qulqulayso maadaama Bitcoin ay si xooggan kor ugu socoto.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa mar kale soo saartay 250,000,000 $USDC oo ku salaysan shabakadda Solana.

The Blockchain group ayaa uruurisay €6 milyan, oo ay ku jirto €5 milyan oo ka timid Adam Back, si ay u xoojiyaan istiraatiijiyadda kaydsiga Bitcoin.

Maalgashade weyn oo Bitcoin maalgashaday oo muddo dhaqdhaqaaq sameyn ayaa iibiyay $2.34 bilyan oo $BTC ah isaga oo adeegsanaya Galaxy Digital kadib 14 sano — waana iibkii ugu horreeyay ee laga sameeyo cinwaan la xidhiidha maalgashadayaashii hore ee 2011.

Bit Digital waxay qorsheynaysaa inay aruuriso $67.3, si loogu iibsado $ETH dheeri ah oo kaydkeeda lagu daro.

SharpLink Gaming ayaa iibsatay 24,371 $ETH oo qiimahoodu yahay $73.5 milyan iyaga oo adeegsanaya Coinbase Prime.

Shirkadda BTCS Inc. ee si rasmi ah suuqa uga diiwaan gashan ayaa ka amaahatay $2.34M $USDT ah Aave si ay u iibsato 2,731 $ETH oo dheeri ah, iyadoo hadda haysata 31,855 $ETH oo qiimahoodu yahay $96M.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Hantida la token-gareeyay ee ku salaysan Solana ayaa dhaaftay $418 milyan, iyadoo sanadkan ay kor u kacday 140.6%, sida uu sheegay wargayska Messari.

Vanguard ayaa noqotay saamileyda ugu weyn ee Strategy iyadoo haysata 8% saamiyo qiimahoodu yahay ku dhawaad $9.26 bilyan, inkastoo ay leedahay mowqif kakan oo ku saabsan crypto.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $297.4 milyan oo $BTC ah iyo $259 milyan oo $ETH ah ayaa la iibsaday July 14-keedii.

Spot ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 50,970 $ETH oo ku kacaya $151.4 milyan July 14-keedii.

BlackRock ayaa dhawaan iibsatay Bitcoin oo qiimihahoodu gaadhayo $394.7 milyan.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Daymaha Bitcoin ku salaysan ee Coinbase ayaa dhaafay $1 bilyan qiime ahaan.

Qiimaha suuqa ee Coinbase ayaa gaadhay rikoor cusub oo ah $100 bilyan markii ugu horreysay, iyadoo saamigeedu ku xidhmay $394.01, korodh dhan 1.8% shalay.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Nvidia ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto iibinta H20 ee Shiinaha kadib markii dowladda Mareykanku xaqiijisay in ruqsadaha la siin doono.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment