Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.82 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.76%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (70), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.
Marketcapka ee $XRP ayaa markii ugu horreysay kor u dhaafay $193.41 bilyan.
Sidoo kale waxaa si xawli ah kor ugu soca qiimaha Ethereum taas oo dad badan ay ku qiyaaseen inuu yahay Alt-season.
In ka badan $548.81 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $362.30 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $118,206, hoos u dhac ah 0.55% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 9.06% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,442.50.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 10.35% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.25.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 5.84% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $176.04.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Golaha Wakiilada ayaa cod ah 217–212 ku ansixiyay xeerka dejinaya codbixinta ee sharciyada crypto ka dib ku dhawaad 10 saacadood oo dib u dhac ah, taasoo fureysa waddada codbixinta kama dambaysta ah ee sharciyada waaweyn ee hantida dhijitaalka ah.
Hay’adda SEC ee Thailand iyo Bangiga Dhexe ee Thailand ayaa qorsheynaya inay bilaabaan “crypto sandbox” qaran ah oo u oggolaanaya dalxiisayaasha ajaanibta ah inay isticmaalaan hantida dhijitaalka ah gudaha Thailand, taasoo ballaadhinaysa barnaamijkii tijaabada ahaa ee hore uga socday.
Senator Warren ayaa sheegtay in sharciga CLARITY uu dhaawici karo qiimaha Suuqa Saamiyada New York (NYSE) si xad dhaaf ah.
Adeegga US Marshals ayaa shaaciyay inuu haysto 28,988 $BTC oo la qabtay oo qiimahoodu yahay $3.4 bilyan, sida lagu sheegay codsiga FOIA ee ugu dambeeyay ee ka yimid The Rage.
Madaxweynaha Bukele ayaa la kulmay Wasiirka Crypto ee Pakistan si ay uga wada hadlaan qodobo la xidhiidha mining-ka Bitcoin, keydka, iyo waxbarashadiisa.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 16-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 47,782 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $5,67 billion, waxaana ka baxay 58,870 BTC oo u dhiganta $6.98 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin lagala baxayo maadaama la filayo in Alt-season uu dhaco.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Whale ka qayb galay ICO-ga Ethereum ayaa $416 u noqotay $4.9 milyan, isagoo 729 $ETH (oo qiimahoodu yahay $2.53 milyan) ku shubay Kraken, halka uu weli haysto $2.07 milyan oo ETH ah staked.
SharpLink Gaming ayaa iibsatay 10,850 $ETH, taasoo wadarta guud ee ay hadda hayso ka dhigaysa 307,358 $ETH oo qiimahoodu yahay $1.03 bilyan.
Mid ka mid ah raggii hore oo haystay 80,009 $BTC ayaa u wareejiyay 40,192 $BTC ($4.77 bilyan) wallet cusub, waxaana suuragal ah inuu iibinayo.
Shirkadda Donald Trump ee World Liberty Financial ayaa iibsatay $5 milyan oo $ETH ah.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Keydsiga Istiraatiijiga ah ee $ETH ayaa ka sarreeya $5.5 bilyan iyadoo 53 hay’adood ay ku biireen hindisahan.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto. Spot ETF-yada
BlackRock ayaa iibsaday 6,490 $BTC (qiimahoodu yahay $763.9 milyan) iyo 159,100 $ETH (qiimahoodu yahay $499.2 milyan) 16-kii July.
Spot ETF-yada Ethereum ee Maraykanka ayaa diiwaangeliyay $726.6 milyan oo maalgahsi soo galay ah 16-kii July, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee ay heleen tan iyo markii la bilaabay.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
Bangiga Westpac Institutional Bank ee Australia iyo Imperium Markets ayaa hirgaliyay Chainlink gudaha Mashruuca Acacia, oo ah hindise iskaashi ah oo ay la leeyihiin Bangiga Dhexe ee Australia iyo DFCRC, si loo xaqiijiyo dejinta ammaan ah ee hantida loo beddelay tokens iyadoo la adeegsanayo blockchain iyo nidaamka PayTo.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo