">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

1. 📊 Xaalada guud ee Suuqa

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu haatan marayaa ku dhowaad $3.25 trillion waxuuna hoos u dhacay 1.81% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 151.35 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin 62.955% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.5%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 24% taasoo ka dhigan in damaca altcoins loo qabo ay hoos u dhac santahey.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 71% taas oo ka dhigan inuu yahey mid kor u socdo ayna jirto kalsooni buuxdo maalgashiyaasha
  • Bitcoin (BTC): Qiimaha BTC wuxuu gaaray $103,022, waxuuna hoos u dhacay 0.86%. Waxaa la filayaa inuu sameeyo “golden cross,” taasoo muujinaysa suurtagalnimada iibsasho badan ay samayn doonaan whales.
  • Ethereum (ETH): Qiimaha ETH wuxuu hoos u dhacay 3.76%, waxuu hada marayaa qiimihiisa $2,415.60.
  • Altcoins ka kale ee ugu sareeyo suuqa waxay sameeyeen hoos u dhac sida SOL 5.59% ADA) 4.35%, XRP 3.19% halka Stable coin ay leedahay shirkada Tether ee USDT uu galay kaalinta 3aad kala saraynta lacagaha Crypto Market cap kiisa guud waxuu hadda marayaa $151.36 billion.
  • Aasaasaha BitMEX, Arthur Hayes, ayaa saadaaliyay in “altcoin season” uu bilaaban karo Q3 2025, isagoo filaya in Bitcoin uu gaari karo $250,000 dhammaadka sanadkan.

🔁 2. Exchange Inflow & Outflow

  • Inflow: 24-kii saac ee la soo dhaafay, in ka badan 18,000 BTC ayaa loo wareejiyay suuqyada crypto, taasoo muujinaysa rabitaanka iibka sare ee suuqa.

Xigasho: coinglass

  • Outflow: Sida laga soo xigtay CryptoQuant, Bitcoin exchange outflow wuxuu muujinayaa kororka kaydka BTC ee suuqyada laga saarayo, taasoo tilmaamaysa in dadka haysta BTC ay u wareejinayaan hardware wallets-kooda

xigasho: CryptoQuant

🏛️ 3. Xeerarka iyo Shuruucda suuqa

  • Senate-ka Mareykanka ayaa filayaa inuu u codeeyo sharciga Genius Act toddobaadkan, kaasoo diiradda saaraya xeerarka la xariiro lacagaha stablecoins.
  • Guddiga SEC ayaa qorsheynaya inuu qabto afar kulan oo dheeraad ah si loo falanqeeyo xeerarka la xiriira hantida suuqa Cryptocrypto assets’
  • Gobolka Arizona ayaa ansixiyay sharci dejinaya xeerar cusub oo ku saabsan maaraynta lacagaha cryptocurrency.
  • Guddoomiyaha ha’ayada SEC Paul Atkins, ayaa sheegay inuu qorsheynayo in la dejiyo xeerar cad oo lagu maareynayo hantida dijitaalka ah, si loo helo nidaam hufan oo lagu diiwaangeliyo, lagu ilaaliyo, laguna ganacsado lacagaha cryptocurrency.
  • Sharciga Kaydka Bitcoin ee Texas ayaa galay akhrintiisii labaad ee Golaha Wakiillada kaas oo soo gaba gaboobi doono Talaadada, 20-ka Meey.

🐋 4. Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyada Waaweyn

  • Whale ayaa furay Coinka BTC boos $381.2 milyan ah oo ah Bitcoin long position marka qiimuhu yahay $103K, isagoo horey u helay faa’iido dhan $9.3 milyan.

Arintaan anaga waa naga xaaraan sababto oo ah waa shardi qamaar

🚀5. Mashaariicda Horumarinta ku socdo ee suuqa

  • Ozak AI: Mashruucan cusub ayaa isku daraaya AI iyo blockchain, isagoo soo jiidanaya indhaha maalgeliyeyaasha
  • CME Group ayaa maanta bilaabay ganacsiga XRP futures, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato qiimaha XRP.
  • Shirkadda Mastercard ayaa bilaabeysa adeegyo cusub oo ku saleysan lacagaha stablecoins, iyadoo la kaashaneysa shirkadda MoonPay si loo suurtageliyo isticmaalka stablecoins sida USDC iyo USDT ee lacag bixinta caalamiga ah.

Xigasho Axios

  • Arthur Hayes: Wuxuu saadaaliyay in BTC ay gaari karto $200,000 Q3 2025 iyo $1 milyan sanadka 2028, iyadoo ay sabab u tahay siyaasadaha taageeraya crypto.
  • Ark Invest: Waxay saadaalisay in BTC ay gaari karto $1.5 milyan sanadka 2030, iyadoo u sababeysay arintaan kororka iibsashada BTC ee hay’adaha maaliyadeed.

📈 6. ETFs & Ha’adaha Saameeyo Suuqa

  • BlackRock waxay iibsatay 3.4 Milyan oo ah saamiyada shirkada Tesla – Qiime dhan $1.21 Bilyan taasoo saamayn ku leh ETF-yada suuqa.
  • Guddiga Maalgashiga ee gobolka Wisconsin ayaa iibiyay dhammaan $350 milyan ee ay ku lahaayeen spot Bitcoin ETFs.
  • Shirkadda Metaplanet oo fadhigeedu yahay dalka Japan waxay Iibsatey 1,004 Bitcoin Dheeraad ah oo Qiimahoodu Yahay $104 Milyan

🔗 7. Blockchain Technology

  • Shirkadda Argo Blockchain fadhigeedu yahay UK ayaa diiradda saareysa mining-ka Bitcoin iyadoo la adeegsanayo tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan hydroelectric power si lagu maarmo korontada.
  • Aas aasaha Ethereum Vitalik Buterin ayaa soo jeediyay naqshad cusub oo loogu talagalay nodes-ka Ethereum si loo hagaajiyo scalability-ga, iyadoo la yareynayo ku tiirsanaanta adeegyada RPC.
  • Malaysia: Dowladda Malaysia ayaa soo saartay qorshe qaran oo lagu horumarinayo teknoolojiyadda blockchain, iyadoo la abuurayo “Malaysia Blockchain Infrastructure
  • Jasiiradda Maldives ayaa qorsheyneysa inay maalgeliso $8.8 bilyan si loo dhiso xarun blockchain ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.

Xigasho: Blockchain Magazine

🤖 🌐 8. AI & Web 3.0

  • Shirkadda Foxconn ayaa iskaashi la sameysay NVIDIA si ay u dhisaan xarun weyn oo AI ah oo ku taal Taiwan
  • Shirka HODL 2025 ayaa ka furmay Dubai, kaas oo diiradda lagu saaraya horumarinta Ai Web3, lacagaha crypto
  • Daraasad cusub ee la soo saaray ayaa lagu sheegay sida AI iyo Web 3.0 ay isku dhex gali karaan, iyadoo la adeegsanayo smart contracts ku dhisan blockchain-yada kala duwan.

ka baro halkaan Coursada crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment