Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.77 Tirilyan, waxuuna hoos u hoos u dhacay 0.67%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (39), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $402.85 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $295.29 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $109,352, hoos u dhac ah 0.03% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.36% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,300.20.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.37% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.78.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.45% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $199.53.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Trump ayaa sheegay in dawladda Hindiya ay joojisay cashuuridda badeecadaha Maraykanka laga keeno.

Sharciga SB 1330, oo loo yaqaan “Blockchain the Budget Bill,” ayaa si rasmi ah loo gudbiyey si miisaaniyadda qaranka ee Philippines loogu dhigo blockchain si loo helo hufnaan.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 1-da September, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 20,636 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.25 billion, waxaana ka baxay 31,527 BTC oo u dhiganta $3.44 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

The Ether Machine ayaa urursatay $654M oo $ETH ah si ay u ballaadhiso khasnaddeeda, ka hor inta ay Nasdaq ku biirin sanadkan, sida aan ka soo xigannay Reuters.

Hantida qoyska Trump ee World Liberty Financial ayaa kor u kacday $5B, kadib markii la furay 24.6 bilyan oo $WLFI tokens ah.

Shirkadda SharpLink waxay iibsatay 39,008 $ETH, guud ahaan haynteeduna waxay gaadhay 837,230 $ETH oo qiimahoodu yahay $3.6B.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Agaasimaha Fulinta ee ESMA, Natasha Cazenave, ayaa ka digtay in saamiyada la token-gareeyay (Tokenized stock) ay marin habaabin karaan maalgashadayaasha maadaama aysan siinayn xuquuq toos ah saamileyda.

Michael Saylor oo Bitcoin ka hadlaya ayaa yidhi ” Cidda haysata Bitcoin badan ayaa guulaysanaysa“.

Binance ayaa soo bandhigtay shirkadda Medá ee Mexico oo noqon doonta xarun fintech ah oo sharciyeysan si ay ugu fiddo Latin America, iyadoo qorsheyneysa inay ku maalgeliso $53M muddo afar sano ah.

Saamilayda Metaplanet waxay in lacag dhan $3.8B lagu maalgashan karo $BTC.

Coinbase & OKX ayaa ka faa’iidaysan doona nidaamka hawlgabka ee Australia iyagoo u fududeynaya adeegyo maalgashi crypto ah.

6. 🪙 Stablecoin

    Shirkadda weyn ee hantida maguurtada ah ee dalka Imaaraadka Carabta, RAK Properties, ayaa bilaabi doonta inay aqbasho lacag bixinnada crypto oo ay ku jiraan Bitcoin, Ethereum, iyo USDT-da Tether, si loogu bixiyo kala iibsiga guryaha ee caalamiga ah.

    Wadarta Tirada $USD1 ee TRON ayaa ka gudubtay $50M kadib markii maanta la daabacay $25M.

    1. 🤖 Intelligence-AI

    OpenAI waxay la socodsiin kartaa booliska wada sheekaysiyada ChatGPT ee ay u aragto khatar.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    Leave a comment