Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.94 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.14%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (67), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.
In ka badan $572.09 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $397.99 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $119,254, kor u kac ah 1.08% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.47% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,707.50.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.24% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.52.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.87% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $199.90.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Aqalka Cad ayaa u soo bandhigi doona warbixintii ugu horreysay ee siyaasadda crypto dadweynaha ka hor dhammaadka bishan, sida ay sheegtay Eleanor Terrett.
Xoghayaha Maaliyadda Bessent ayaa yidhi, “bangiga dhexe waa inuu sameeyaa dib-u-eegis dhammeystiran oo gudaha ah, oo ku saabsan hawlaha aan la xidhiidhin siyaasadda lacagta.”
Guddoomiyaha SEC Paul Atkins ayaa sheegay in ay tahay “mid dhiirrigelin leh” in shirkadaha caanka ah ay u qaataan Bitcoin iyo crypto sidii hanti kayd gasha.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 21-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 35,449 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $4.15 billion, waxaana ka baxay 36,613 BTC oo u dhiganta $4.29 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Ganacsade weyn ayaa iibsaday 25,213 $ETH oo u dhiganta ($94.67M) isaga oo adeegsanaya Falcon X, taasoo ka dhigaysa guud ahaan 72,333 $ETH ($272.47M) oo uu soo iibsaday labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Shirkadda DeFi Dev Corp. ayaa ku dartay 141,383 $SOL oo qiimahoodu yahay $19M kaydkeeda, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee ay hayso 999,999 $SOL.
Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk ayaa u wareejisay 1,308 $BTC oo qiimahoodu yahay $153 milyan boorso cusub, kadib markii ay saddex sano mid aan dhaqdhaqaaqin ahayd.
Bit Origin ayaa iibsatay 40,543,745 $DOGE oo qiimahoodu yahay ku dhawaad $10 milyan, taasoo calaamad u ah iibkii ugu horreeyay ee ay ugu talo gasho khasnaddeeda.
Ark Invest oo ay leedahay Cathie Wood ayaa iibsaday 4,421,034 saamiyada shirkadda BMNR ee Tom Lee oo ku ah qaybta kaydka $ETH , July 21-keeda.
GameSquare Holdings ayaa iibsatay 8,351.89 $ETH oo qiimahoodu yahay $30M, waxayna heshay oggolaansho ay ku ballaadhiso barnaamijkeeda kaydka crypto ilaa $250M.
Shirkaddu sidoo kale waxay bilowday istiraatiijiyadda soosaarka NFT ku saleysan Ethereum.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Shirkadda Strategy ayaa soo saartay saamiga cusub ee $STRC oo lagu xidhay $100, si ay u ururiso lacag fiat ah oo ay ku iibsato Bitcoin dheeraad ah.
Bangiga JPMorgan ayaa ka fiirsanaya inuu bixiyo amaah ku saleysan dammaanad ah crypto sida hantida Bitcoin iyo Ethereum, iyadoo suurtogal ah in la bilaabo sanadka soo socda, sida uu sheegay wargeyska FT.
Trump Media & Technology Group ($DJT) ayaa noqotay haystaha shanaad ee ugu weyn shirkadaha Bitcoin haysta.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $131.4 milyan oo ah $BTC ayaa la iibiyay halka $296.5 milyan oo ah $ETH la iibsaday July 21.
BlackRock Spot Ethereum ETF ayaa iibsaday 27,160 $ETH oo qiimahoodu dhan yahay $102 milyan July 21-keeda.
- 🤖 Intelligence-AI
SoftBank iyo mashruuca Stargate ee OpenAI ayaa hoos u dhigaya qorshahooda, iyagoo damacsan in ay dhisaan xarun xogeed yar dhammaadka sanadka, ka dib markii iskaashigu wajahday khilaafaad ku saabsan shuruudo muhiim ah, sida lagu sheegay wargeyska WSJ.
- 🪙 Stablecoin
Madaxa Fulinta xawaaladda Western Union ayaa sheegay in bangigu uu baadhitaan ku wado suurtagalnimada bixinta adeegyo stablecoin ee boorsooyinka dhijitaalka ah ee macaamiisha caalamka.
“Stablecoins waa fursad, ma aha dhibaato .” ayuu raaciyay.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo