Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.86 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.22%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (67), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.
In ka badan $704.04 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $572.59 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $118,058, kor u kac ah 0.27% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.92% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,632.50.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 4.56% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.13.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.23% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $184.31.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
ECB waxay sidiisii ku daysay heerka dulsaarka oo ah 2.15%, taasoo waafaqsan filashada suuqyada isla markaana aan wax isbeddel ah lagu samayn marka la barbar dhigo heerkii hore.
Trump ayaa beeniyey qorshayaasha lagu dhimayo taageerada dhaqaale ee shirkadaha Elon Musk, isagoo sheegay inuu doonayo in Elon iyo ganacsiyada Mareykanka ay “u horumaraan si aan horey loo arag.”
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 21-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 25,472 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.02 billion, waxaana ka baxay 25,322 BTC oo u dhiganta $3 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa soo galayso..
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Circle ayaa ku daabacday 750,000,000 oo $USDC ah shabakadda Solana.
shirkadda quantum solutions oo ka diwaangashan suuqa tokyo ayaa qorsheyneysa inay iibsato illaa 3,000 $BTC muddo 12 bilood gudahood ah, taasoo ka dhigaysa hay’adda ugu weyn ee bitcoin ku haysata japan iyadoo ay jirto daciifnimada lacagta yen-ka iyo cabsi laga qabo sicir barar.
Shirkadda Trump ee World Liberty Financial ayaa iibsatay 560 $ETH oo ah 2 milyan oo $USDC ah.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
madaxweynihii hore ee paypal, david marcus, ayaa sheegay in adduunku u baahan yahay bitcoin.
Hantida BitMine ee $ETH ayaa dhaaftay $2 billion,16 maalmood kadib markii ay soo ururisay $250M, waxayna hiigsanaysaa inay stake-gareyso 5% guud ahaan tirada Ethereum ee ay haysato.
Tesla oo uu leeyahay Elon Musk ayaa shaacisay inay weli hayso 11,509 Bitcoin oo qiimahoodu hadda ka badan yahay $1.2 bilyan.
Maamulaha guud ee Ripple, Brad Garlinghouse, ayaa ka digay in khiyaamooyinka la xidhiidha lacagaha dhijitaalka ah ay sii kordhayaan, gaar ahaan kuwa sheeganaya in ay bixiyaan hadyado been ah oo XRP ah oo lagu faafinayo YouTube, iyagoo iska dhigaya in ay yihiin akoonnada rasmiga ah ee Ripple.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $85.8M oo $BTC ah ayaa la iibiyey halka $332.2M oo $ETH ah la iibsaday July 23-keedii.
BlackRock spot ETFs waxay iibsadeen 1,190 $BTC iyo 86,650 $ETH July 23-keedii.
- 🪙 Stablecoin
Hong Kong waxay fal dambiyeed u arki doontaa xayeysiisyada stablecoin aan shatiga lahayn laga bilaabo August 1-deeda kuwa jebiya waxay wajahayaan ganaax dhan $6,300 iyo xabsi gaadhaya 6 bilood.
Madaxa Tether, Paolo Ardoino, ayaa sheegay in shirkaddu ay ku guda jirto qorshe ay dib ugu soo gasho suuqa Mareykanka, iyadoo diiradda saaraysa suuqyada hay’adaha Mareykanka ee bixinta lacagaha iyo xallinta lacagaha bangiyada dhexmara.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
Kongareeska Mareykanka ayaa soo bandhigay sharci cusub oo faraya Xoghayaha Waaxda Arrimaha Dembiilayaasha Dagaalka (VA) inuu sameeyo daraasad dhammaystiran oo ku saabsan hirgelinta teknoolojiyadda blockchain-ka ee gudaha waaxda.
- 🤖 Intelligence-AI
Madaxweynaha Trump ayaa saxiixay saddex amar fulineed oo ku saabsan garaadka macmalka ah (AI) si loo dedejiyo horumarinta kaabayaasha xarumaha xogta, loo dhiirrigeliyo dhoofinta models-ka AI-ga Mareykanka ee caalamka, iyo in la ilaaliyo muwaadiniinta lagana hortago nidaamyada AI-ga ee cunsuriyadda ku saleysan ee ay saameeyeen fikradaha xagjirka ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo