Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.9 trillion, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.02%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 70%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 39% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha maadaama shalay suuqyadu dhulka galeen.

In ka badan $290.10 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $204.28 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $113,051, kor u kac ah 0.05% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.40% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,180.6.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.91% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.88.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.03% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $212.81.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in maalin uun Bitcoin “ay ka horeyn doonto dahabka.

Murashaxa taageersan Bitcoin ee Ian Calderon ayaa u tartamaya xilka guddoomiyaha California.

Waa waqtigii aan dib ugu laaban lahayn asalkayaga oo aan California ka dhigi lahayn hoggaamiyaha aan lala tartami karin ee Bitcoin.” ayuu yidhi.

Shuruuci fuliyeyaasha Yurub waxay qorsheynayaan in la bilaabo euro dhijitaal ah (CBDC) bartamaha sanadka 2029-ka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Qiyaastii 921 $BTC iyo 33,550 $ETH ayaa la iibsaday September 23-keedii.

ETF-yada BTC waxaa ka baxay $103.8M.

ETF-yada ETH waxaa ka baxay $140.8M.

ETF-ka Ethereum ee Fidelity ayaa September 23-keedii iibiyay 15,110 $ETH oo qiimahoodu yahay $63.4M.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda OranjeBTC ayaa iibsatay 3,650 $BTC qiimahooduna yahay $385M, taas oo ka dhigtay keydka ugu weyn Bitcoin ee Latin America.

Xogta wargayska Arkham waxay muujinaysaa hal Ganacsade oo kaliya uu iibsaday $50.4M oo $ASTER ah 24 saac gudahood.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

SEC ayaa cusbooneysiisay xeerarkeeda ku saabsan bilaabidda ETF-yada, iyadoo waqtiga oggolaanshaha la dhimay ilaa 270 maalmood laguna soo gaabiyay 75 maalmood oo kaliya. ETFs-ka ugu horreeya ee hoos yimaaday xeerarkan cusub, kuwaasoo suuragal ah inay la xidhiidhaan lacagaha sida Solana iyo XRP, ayaa la filayaa in la bilaabo horraanta October. Grayscale Investments ayaa horey u soo saartay ETF cusub oo ka kooban lacagaha sida Bitcoin, Ethereum, Solana, XRP, iyo Cardano. Isbeddelkan xeer-dejineed ayaa keenay korodh weyn oo ah dalabka cusub ee ETF-yada ka imanaya maareeyayaasha hanti ee doonaya inay ka faa’iidaystaan xiisaha maalgashadayaasha ee hantida dhijitaalka ah.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI, Oracle, iyo SoftBank waxay balaadhiyeen Stargate iyada oo lagu daray shan xarumood oo cusub oo xogta AI ah.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

BNB Chain validators waxay soo jeedinayaan in la dhimo khidmadaha (Gas Fee) laga bilaabo 0.1 GWEI ilaa 0.05 GWEI iyo in la dedejiyo isku xidhka block-yada laga bilaabo 750ms ilaa 450ms.

Samsung waxay la shaqeysay borotokoolka DeSci ee Galeon si ay u isticmaasho blockchain-ka tababarka AI-ga xogta qalabka ultrasound iyada oo la ilaalinayo sirta diiwaannada bukaanka.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

2 Comments

  • Moktar Abas
    Posted September 24, 2025 4:47 pm

    Mahadsanidiin

    • Sulayman
      Posted September 25, 2025 12:18 pm

      adaa mudan wll.

Leave a comment