Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.82 trillion, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.03%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 68%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 41% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha.
In ka badan $447.35 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $382.97 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $111,551, hoos u dhac ah 1.26% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 4.02% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,007.1.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.09% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.82.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 5.13% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $201.50.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda gobolka Ohio ayaa ansixisay in Bitcoin loo isticmaali karo canshuuraha iyo adeegyada dowladda.
Australia waxay soo saartay qoraal sharciyeed cusub si loo abuuro adeegyo crypto, iyadoo shirkadaha crypto la hoos keenayo isla nidaamka sharciyeed ee adeegyada maaliyadeed ee casriga ahayn (Traditional).
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin waxay heleen $241M soo-gal lacageed kadib 2 maalmood oo maalgashiga lagala baxayay, halka ETF-yada Ethereum ay lumiyeen $79M.
BlackRock ayaa iibisay 6,366.75 $ETH oo qiimahoodu yahay $25.6 milyan, sidoo kale waxay iibsatay 1135 $BTC oo u dhigma $127 milyan.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- CFG: Centrifuge waa madasha leh Token-ka CFG, waxayna u beddesha hantida dhabta ah (RWAs) Token si loo keeno blockchain-ka. Coinbase ayaa ku dhawaaqday ka ganacsi toos ah oo lagu sameynayo CFG, taasoo samaysay kor u kac fiican saacado gudahood ka dib liis-gareynta.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Circle ayaa maanta ku daabacday guud ahaan 500,000,000 $USDC shabakadda Solana, taasoo gaadhsiisay 4.75B $USDC tirada guud ahaan bishan la mint-gareeyay ama la daabacay.
Boorso cusub ayaa 3 maalmood gudahood kala baxday 1,524 $BTC oo qiimahoodu yahay $171M suuqyada is-weydaarsi.
Thumzup, oo uu taageero Trump Jr., ayaa ku dhawaaqday ansixinta barnaamijkeeda dib-u-iibsiga saamiyadeeda oo dhan $10M ilaa December 2026-ka, iyadoo hadda haysata 19,106 $BTC iyo 7.5 milyan $DOGE.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Stablecoin-ka Hyperliquid ee USDH ayaa maanta si rasmi ah u shaqaynaya, iyadoo lagu diiwaangeliyay ku dhawaad $2M oo ah mug ganacsi.
Wadahadallada ku saabsan heshiis $500B ah oo Tether galayso ayaa ka dhigi karta Guddoomiyaha Giancarlo Devasini in hantidiisu gaadho $224B, isaga oo ka sarreyn doona Warren Buffett, noqon doonana qofka shanaad ee ugu qanisan adduunka, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
Website-ka ugu weyn Kuuriyada Koonfureed, Naver, ayaa iibsaday shirkadda maamusha Upbit ee Dunamu iyada oo loo marayo heshiis saamiyo dhameystiran, waxuuna qorsheynayaa inuu galo suuqa stablecoin-ka.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Qiimaha Ether ayaa hoos u dhacay, isaga oo gaadhay qiyaastii $4,006, sababtoo ah welwelka laga qabo suurtogalnimada xayiraad shaqo oo ka dhacda dowladda Mareykanka (U.S. government shutdown). Ganacsatada ku jira Polymarket waxay qiimeynayaan 77% fursad oo ay xayiraaddu dhici karto dhamaadka sannadkan, taasoo ah heerkii ugu sareeyay tan iyo markii saadaashan la bilaabay bishii January. Caqabadani waxay saameysay dareenka maalgashadayaasha cryptada waaweyn.
F.G: “Government shutdown” waa marka dowladdu aanay haysan miisaaniyad ansax ah oo lagu wado hawlaheeda maalinlaha ah, inta lagu jiro khilaaf siyaasadeed ama dib u dhac ku yimaada ansixinta miisaaniyadda. Taas macnaheedu waa in shaqooyin badan oo dowladeed la hakiyo, shaqaalahana la fasaxo oo aan mushahar la siin, iyo adeegyada dadweynaha oo hakad geli kara ilaa miisaaniyadda la ansixinayo.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo