Wararka Maanta ee suuqa Crypto, 27-ka August 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.87 Tirilyan, waxuuna hoos u kor u kacay 2.26%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (47), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $259.86 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $159.59 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $111,245, kor u kac ah 1.38% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.08% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,600.2.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 3.61% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.01.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 9.60% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $204.29.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Wararka qaar ayaa sheegaya in Midawga reer yurub uu dhaafi doono dhammaan canshuuraha badeecada ka imanaysa dalka Maraykanka.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 26-ka August, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 35,300 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.94 billion, waxaana ka baxay 31,060 oo u dhiganta $3.47 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa ku soo qulqulayso.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Ganacsade Bitcoin ayaa iibiyey 3,968 $BTC ($437M) si uu u iibsado 96,531 $ETH ($443M) , taasoo guud ahaan ka dhigsa inuu urursaday 641,508 $ETH ($2.94B) usbuucii aan soo dhaafnay.

Shirkadda AI-ga ka shaqeysa ee Numerai ayaa heshay maalgelin $500M ah oo ka timid JPMorgan.

BitMine ayaa hadda iibsatay Ethereum u dhiganta $439 milyan.Kooxda H100 ee Sweden ayaa uibsatay 46.2 $BTC, taasoo wadarta guud ee haysata ka dhigaysa 957.5 $BTC.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

KuCoin ayaa taageeri doonta mashruuca G-Token ee Thailand, oo ah dayn dowladeed oo loo beddelay token oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Thailand.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $88.1 milyan oo $BTC ah iyo $455 milyan oo $ETH ah ayaa la iibsaday August 26-keedii.

BlackRock spot Ethereum ETFs ayaa iibsaday 73,860 $ETH oo qiimahoodu yahay $323.1 milyan August 26-keedii.

  1. 🪙 Stablecoin

Kooxda Monex ee Japan ayaa qorshaynaysa inay soo saarto stablecoin ku xidhan yen-ka Japan, iyadoo Guddoomiyaha Oki Matsumoto uu sheegay in loo baahan yahay in lala jaanqaado horumarka maaliyadda dhijitaalka ah.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Sui waxay la kaashanaysa Alibaba Cloud si ay u soo saarto AI ah coding assistant oo loogu talagalay horumariyeyaasha mashruuca Sui Move, kaas oo ku shaqayn doona Ingiriisi, Shiine iyo Kuuriyaan.

9. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Waaxda Ganacsiga Mareykanka ayaa bilaabi doonta soo saarista xogta iyo tirakoobyada dhaqaale iyadoo la adeegsanayo blockchain.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article