">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.9 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.17%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (63), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $467.26 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $378.27 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $118,608, hoos u dhac ah 0.32% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.10% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,846.50.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.92% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.15.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 4.73% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $183.35.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Dowladda Mareykanka ayaa doonaysa inay sheegato $2.4 milyan oo ah Bitcoin (20.2 $BTC) oo ay FBI-da Dallas ka qabatay kooxta ransomware-ka ee Chaos.

Haddii loo wareejiyo si rasmi ah, lacagtaasi waxaa laga yaabaa in lagu daro kaydka istaraatiijiga ah ee Bitcoin ee uu Mareykanku qorshaynayo.

La-taliyaha European Central bank (ECB) Jürgen Schaaf ayaa sheegay in euro-da dhijitaalka ah kaliya aysan kaafin doonin si ay tartanka ula gasho xukunka doollarka Mareykanka ee stablecoins-ka.

Wuxuu tilmaamay in Yurub u baahan tahay stablecoin-yada euro ku xidhan oo nidaamsan iyo hal-abuurnimo gaar loo leeyahay si ay ula tartanto korodhka stablecoin-yada ku xidhan Doollarka.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 28-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 31,219 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.68 billion, waxaana ka baxay 42,782 BTC oo u dhiganta $5.05 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda Ark Invest ee Cathie Wood ayaa iibsatay 572,853 saamiyo oo ka tirsan shirkadda kaydka $ETH ee Tom Lee, BMNR, taariikhdu markay ahayd 28-ka July.

Shirkadda kaydsata Solana ee Upexi ayaa heshay amaah gaadheysa $500 milyan si ay u sii iibsato lacagta dhijitaalka ah ee $SOL.

Wallet cusub ayaa urursatay 12,750 $ETH oo qiimahoodu yahay $49.2 milyan, taasoo wadarta guud ee ay hadda hayso ka dhigaysa 80,174 $ETH oo lagu qiimeeyo $302.7 milyan.

Wallet Bitcoin ah oo 12 sano aan dhaqdhaqaaqin oo haysatay 300 $BTC ayaa dib loo furtay.

Qiimaheedii wuxuu ahaa ku dhowaad $46,000 sanadkii 2013-kii, balse hadda waxaa lagu qiimeeyaa in ka badan $40 milyan.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Shirkadda Bakkt Holdings ayaa iibisay qaybteedii adeegyada daacadnimada (loyalty services) si ay diiradda u saarto noqoshada shirkad si buuxda ugu shaqeysa crypto.

Waxay sidoo kale qorsheyneysaa in ay ururiso $75 milyan si ay ugu iibsato Bitcoin iyo hantida kale oo dhijitaalka ah.

Shirkadda weyn ee Shiinaha ee qodda Bitcoin, Bitmain, waxay qorshaynaysaa inay furato warshaddeedii ugu horreysay ee Mareykan ka dhisan dhammaadka rubuca saddexaad ee 2025-ka, iyadoo mid ka mid ah gobollada Texas ama Florida laga dhisayo.

Shirkadda kaydka Ethereum ee Bitmine Immersion ayaa qiyaastay in qiimaha $ETH uu gaadhi karo $60,000, iyadoo la adeegsanayo falanqayn laga soo xigtay dhowr xaruumo cilmi-baadhis ah.

Standard Chartered waxay saadaalisay in qiimaha $ETH uu gaadhi karo $4,000 dhammaadka 2025 haddii iibsigeedu sii socdo.

Shirkadaha haysta hanti maaliyadeed (treasury firms) hadda waxay hayaan 1% ka mid ah tirada guud ee Ethereum, taasoo ka dheereyneysa Bitcoin ($BTC).

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $157.1 milyan oo $BTC ah iyo $65.2 milyan oo $ETH ah ayaa la iibsaday 28-ka July.

Spot Bitcoin ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 1,230 $BTC oo qiimahoodu dhan yahay $147.4 milyan taariikhdu markay ahayd 28-ka July, taasoo ka dhigtay wadarta guud ee ay hayaan 739,000 $BTC.

  1. 🪙 Stablecoin

Shirkadda Circle ayaa iskaashi la samaysay shirkadda fintech ee FIS si ay u sahlaan in hay’adaha maaliyadeed ee Mareykanka ay u adeegsadaan $USDC wax kala iibsigooda.

Shirkadda Interactive Brokers, oo hantideedu gaadhayso $110 bilyan, ayaa baadhaysa suurtogalnimada samaynta stablecoin u gaar ah si ay u fududayso maalgelin degdeg ah 24/7 oo aan hakad lahayn.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment