Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.14 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.29%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 66%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 57% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $397.24 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $249.19 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $120,376, kor u kac ah 1.22% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.02% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,480.2.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.93% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.03.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.94% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $230.78.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

SEC ayaa seegtay waqtigii kama dambaysta ahaa ee Khamiista ee go’aan ay ka gaadhi lahaayeen Canary Capital spot Litecoin ETF, arrintan oo sabab u ah xayiraadda dawladda.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha Bloomberg, muddada hore ee 19b-4 laga yaabo inaanay hadda muhiim ahayn maadaama SEC u guurayso nidaamka cusub ee generic listing standards.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Waxaa la iibsaday qiyaastii $627.2M oo BTC ah iyo $307.1M oo ETH ah taariikhdu markay ahayd Oktoobar 2.

ETF-ka $IBIT ee BlackRock ayaa iibsaday 3,930 BTC oo u dhiganta $466.5M taariikhdu markay ahayd Oktoobar 2.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Australian-ka ah ee Fitell ayaa iibsatay 216.8 milyan oo $PUMP tokens qayb ka ah istiraatiijiyadda keydka ee shirkadda.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiimaha suuqeedka Stablecoins-ka ayaa gaadhay $300B.

Wareegga maalgelinta ee Tether oo lagu qiimeeyay $500 bilyan ayaa ka dhigi karta shirkadda adeegyada maaliyadeed ee afraad ee ugu weyn caalamka, iyada oo ka sarreynaysa Bank of America.

Bangiga Dhexe ee Yurub (ECB) ayaa la galay heshiis qaab-dhismeed la xidhiidha toddoba shuraako tiknoolajiyadeed, si loo horumariyo qaybaha euro-ga dhijitaalka ah.

Heshiiskan wuxuu daboolayaa maareynta khiyaanada, is-weydaarsiga xogta si ammaan ah, iyo kaydinta maareynta, iyadoo euro-ga dhijitaalka ah laga yaabo in la bilaabo sanadka 2029-ka.

Shirkadda Strategy ee Saylor hadda waxay haysataa in ka badan 640,000 $BTC oo qiimahoodu gaadhayo $73B, iyadoo Saylor uu ku tilmaamay Bitcoin inay tahay hantida ugu fiican ee la kaydsado isaga oo saadaaliyay in qiimaheedu gaadhi karo $1 milyan.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Bank of America ayaa soo bandhigay AskGPS (Ask Global Payments Solutions), oo ah kaaliye AI ah oo generative ah, kaasoo loogu talagalay in lagu kordhiyo waxtarka shaqaalaha isla markaana lagu horumariyo adeegga macaamiisha ee qaybta lacag dirista caalamiga ah.

AI-gan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in howlgallada la fududeeyo isla markaana la siiyo macaamiisha adeegyo shakhsiyeed wanaagsan, taasoo muujineysa horumar weyn oo ku saabsan isticmaalka AI-ga shirkadaha ee qaybta maaliyadda.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Ripple ayaa la kaashanaysa UC Berkeley si loo aasaaso Xaruun loogu talo galay hantida dhijitaalka ah, iyadoo lagu maalgelinayo $1.3M $RLUSD, ujeedaduna tahay in horumarin lagu sameeyo cilmi-baadhista blockchain.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment