Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.77 Tirilyan, waxuuna hoos u kor u kacay 1.22%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (42), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $196.20 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $119.92 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $111,752, kor u kac ah 0.45% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.97% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,432.20.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.61% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.87.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.28% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $212.32.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa bilaabi doona wareysiga musharixiinta u sharraxan kursiga Guddoomiyaha Fed-ka, maalinta Jimcaha, sida aan ka soo xigannay Wall Street Journal.

Trump wuxuu ku tilmaamay xukunkiisa canshuurta “mid degdeg in loo hirgaliyo ay tahay” wuxuuna sheegay inuu racfaan qaadan doono sida ugu dhaqsaha badan maanta, kadib markii ay maxkamadda dalka Maraykanka ay sheegtay in awooddiisa wax dhaafsan uu u adeegsaday Trump maamulidda iyo wax ka beddelka canshuuraha.

Wuxuu sheegay in guuldarrada kiiskan ay noqon doonto “musiibo dhaqaale” oo halis gelinaysa Mareykanka.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 2-da September, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 26,130 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.90 billion, waxaana ka baxay 44,434 BTC oo u dhiganta $4.94 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda CEA Industries ayaa iibsatay 38,888 $BNB oo qiimahoodu yahay $33M, iyadoo hadda guud ahaan haysata 388,888 $BNB ($330M).

Shirkadda CIMG ayaa iibsatay 500 $BTC oo u dhiganta $55.6 million.

Shirkadda Ark 21shares ayaa iibsatay $658.5 $BTC oo u dhiganta $72.9M.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Kooxda H100 ayaa keydkeedu dhaaftay 1,000 $BTC ,104 maalmood kadib markii ay sameeyeen iibsigoodii ugu horreeyay.

Qaddarka celceliska $BTC ee ay haystaan ganacsatada waaweyn (whales) ayaa hoos ugu dhacay ku dhawaad 488 $BTC; waa heerkii ugu hooseeyay tan iyo December 2018-kii, sida aan ka soo xigannay Glassnode.

Shirkadda Underdog iyo Crypto.com ayaa iska kaashanaya sidii ay u bilaabi lahaayeen suuq saadaalinta ciyaaraha u gaar ah.

Bitmine hadda waxay haysataa 1,866,974 $ETH oo qiimahoodu ka badan yahay $8.1B, taasoo ka dhigan in ka badan 1.5% guud ahaan tirada $ETH.

xStocks ayaa lagu daah-furayaa shabakadda Ethereum iyadoo la soo bandhigayo 60 saamiyo token-gareysan oo ay ka mid yihiin Nvidia, Amazon, Tesla, Meta iyo Walmart.

Shirkadda Metaplanet ayaa noqotay haystaha 6aad ee ugu weyn ee Bitcoin, iyadoo haysata 20,000 $BTC, taasoo ay kaga hor martay Riot Platforms.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $332.8M oo $BTC ah ayaa la iibsaday halka $135.3M oo $ETH ah la iibiyey 3-da September.

Fidelity spot Bitcoin ETF ayaa iibsaday 1,220 $BTC oo u dhiganta $132.7M 2-dii September.

ETF-yada Bitcoin ayaa hadda haysta 7% guud ahaan tirada $BTC.

Sanduuqa BlackRock ayaa hoggaaminaya isagoo maamula 746,810 $BTC.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

KuCoin ayaa la saxiixatay heshiis is af-garad (MoU) shirkadda Blockchain Association ee Vietnam iyo 1Matrix si loo horumariyo horumarinta blockchain-ka iyo hantida dhijitaalka ah.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment