">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. ๐Ÿ“ˆ xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.84 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.87%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (63), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $324.02 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $273.83 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $117,608, hoos u dhac ah 1.20% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.20% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,770.50.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 3.16% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.06.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.89% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $177.21.

  1. ๐Ÿ› Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Go’aanka FOMC ayaa lagu dhawaaqi doonaa caawa 9:00 habeennimo wakhtiga Bariga Africa (EAT), halka Aqalka Cad uu si rasmi ah u sii deyn doono warbixintiisii ugu horreysay ee siyaasadda lacagaha dhijitaalka ah.

Trump ayaa canshuur 25% ku soo rogay dalka hindiya.

SEC ayaa aqbashay codsiga BlackRock ee ku saabsan in lagu daro staking gudaha ETF-keeda spot Ethereum.

Indonesia waxay kordhin doontaa heerka canshuurta diridda lacagaha dhijitaalka ah laga bilaabo August 1-deeda . Sida aan ka soo xigannay Reuters, iibiyeyaasha gudaha dalka ah ee is-weydaarsiyada waxay bixin doonaan 0.21% (oo kor uga kacday 0.1%), halka iibiyeyaasha is-weydaarsiyada dibadda laga leeyahay ay bixin doonaan 1% (oo kor uga kacday 0.2%).

Algeria waxay dhaqan gelisay mamnuucid dhammaystiran oo ku saabsan lacagaha dhijitaalka ah, iyadoo si cad u mamnuucday iibsashada, iibinta, ka ganacsiga iyo haynta Bitcoin iyo dhammaan hantida dhijitaalka ah.

Sidoo kale, waxay mamnuucday is-weydaarsiyada lacagaha dhijitaalka ah iyo isticmaalka hantidaas sida hab lacag-bixin ama aalad maalgashi ahaan.

  1. ๐Ÿ” Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 29-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 28,482 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.35 billion, waxaana ka baxay 35,676 BTC oo u dhiganta $4.20 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. ๐Ÿ‹ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda Cathie Wood ee Ark Invest ayaa iibsatay 477,498 saamiyo oo dheeraad ah oo ka tirsan shirkadda kaydka $ETH ee Tom Lee, BMNR, kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay $15.3 milyan, taariikhdu markay ahayd July 29-keedii.

Anchorage Digital waxay iibsatay 10,141 $BTC oo qiimahoodu yahay $1.19 bilyan.

  1. ๐Ÿš€ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

SharpLink Gaming ayaa hoggaanka u haysa shirkadaha dadweynaha ee haysta Ethereum, iyadoo gacanta ku haysa 360,807 $ETH, waxaana ku xiga Bitmine Immersion oo leh 300,657 $ETH iyo Coinbase oo haysata 137,300 $ETH.

  1. ๐Ÿ“Š Maalgashiga ETF-yada iyo Hayโ€™adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $79.9 milyan oo ah $BTC iyo $218.6 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday July 29-keedii.

BlackRock spot ETFs waxay iibsadeen 1,340 $BTC iyo 59,309 $ETH taariikhdu markay ahayd July 29-keedii.

  1. ๐Ÿช™ Stablecoin

Bangiga Kuuriyada Koonfureed (Bank of Korea) ayaa sameeyay koox cusub oo la yidhaahdo โ€œVirtual Asset Teamโ€ si ay ula socdaan suuqyada lacagaha dhijitaalka ah isla markaana u hoggaamiyaan wadahadallada ku saabsan stablecoin-yada lagu saleeyay lacagta won-ka ee Kuuriya.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment