Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.88 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.48%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 63%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 43% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha.
In ka badan $357.80 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $187.97 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $113,124, kor u kac ah 0.72% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 1.25% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,168.4.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.4% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.85.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.28% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $207.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Massachusetts waxay qaban doontaa dhegeysi si ay uga fiirsato sharciga Kaydka Istiraatiijiga ah ee Bitcoin taariikhdu markay tahay 7-da October.
Wisconsin waxay soo bandhigtay sharciga “Xuquuqda Bitcoin” ee AB471 kaasoo ka ilaalinaya hawlaha crypto xeerarka dowlad-goboleedka.
Turkey waxay diyaarinaysaa sharci u oggolaanaya hay’adda kormeerka maaliyadeed ee Masak inay xannibto akoonnada crypto iyo bangiyada dhaqameed si loo xoojiyo la-dagaalanka dhaq-dhaqaaqyada lacagaha sharci-darrada ah (AML).
Kooxda Hawlgalka Crypto ee SEC waxay kulan la yeesheen NYSE iyo Intercontinental Exchange si looga wada hadlo xeerarka crypto, oo ay ku jiraan adeegyada crypto (crypto derivatives) iyo ganacsiga saamiyada la token-gareeyay.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Qiyaastii $518M oo $BTC ah iyo $546.9M oo $ETH ah ayaa la iibsaday September 29-keedii.
Spot ETF-ka Ethereum ee Fidelity ayaa iibsaday 48,850 $ETH oo qiimahoodu yahay qiyaastii $202.2M September 29-keedii.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- Plasma (XPL): waa Token loo yeeshay xiiso badan maadaama Trust Wallet lagu soo liis-gareeyay.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Circle ayaa daabacday 750M oo $USDC ah.
Dawladda Bhutan ayaa u wareejisay 2,011 $BTC oo qiimahoodu yahay $229.7M akoonno cusub.
FTX Recovery Trust ayaa qorsheeynaysa bixinta qaybtii saddexaad ee ah gudidda dadkii lacagta laga dhacay, iyadoo $1.6B loo dirayo dadkii lahaa.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Chainlink, UBS iyo Swift ayaa bilaabay tijaabo ku saabsan habraacyada sanduuqyada la token gareeyey, iyagoo ujeedadoodu tahay in ay casriyeeyaan ganacsiga sanduuqyadan oo qiimaheedu yahay $100T.
Bit Digital waxay qorsheyneysaa inay soo ururiso $100 milyan iyada oo loo deyn ay ka qaadanayso maalgashadayaasha, lacagtaasna waxaa loo adeegsan doonaa iibsashada $ETH iyo ujeeddooyin guud oo shirkaddu ku saabsan hantida dhijitaalka ah.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
OpenAI ayaa diyaarinaysa inay soo saarto barnaamij ah bar bulsho oo loogu talagalay muuqaallada AI lagu sameeyay.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Bangiga Adduunka wuxuu iftiimiyay isticmaalka tiknoolajiyada blockchain si uu u casriyeeyo nidaamyada maaliyadeed una soo bandhigo qalab maaliyadeed oo cusub.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo