Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.88 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.92%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (62), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.
In ka badan $358.48 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $256.67 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $118,386, kor u kac ah 0.65% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 1.51% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,829.50.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.00% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.12.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.06% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $170.16.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Bolivia ayaa la kaashanaysa El Salvador si ay u horumariyaan la qabsiga lacagaha dhijitaalka ah (crypto).
Sharciga lagu mamnuucayo ka ganacsiga saamiyada ee xubnaha Kongareeska, oo loo yaqaan “PELOSI Act“, ayaa kaga gudbay guddiga cod ah 8–7.
Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis ganacsi oo weyn oo lala galay Koonfur Kuuriya, iyadoo Kuuriya ay ku maalgelinayso $350 bilyan mashaariic uu Maraykanku leeyahay, $100 bilyanna ay ku iibsanayso gaaska dabiiciga ah (LNG), iyo 15% canshuur ah oo la saarayo badeecadaha Kuuriya.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu saxiixay amar fulineed oo ah in lagu soo rogayo 40% canshuur dheeraad ah alaabaha laga keeno dalka Brazil.
Trump oo ka cadhaysan go’aankii FOMC ee shalay maadaama aynan hoos u dhigin dulsaarka ayaa eedayn iyo cay isugu daray Powell oo yidhi “Powell waa mid aad u cadho badan, aad u doqon ah, isla markaana si xad dhaaf ah siyaasi u ah umana qalmo inuu hoggaamiyo Bangiga Dhexe. Wuxuu Maraykanka galinayaa khasaare malaayiin dollar ah.”
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 30-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 26,120 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.07 billion, waxaana ka baxay 31,973 BTC oo u dhiganta $3.76 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
SharpLink waxay hadda iibsatay 11,259 $ETH. Waxay hadda haystaan 449,276 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo $1.73 bilyan.
Shirkadda FTX/Alameda ayaa u dirtay 20,736 $ETH oo qiimahoodu yahay $79M account staking ah.
Shirkadda Ether Machine oo ay maalgelisay Pantera waxay iibsatay 15,000 $ETH oo qiimahoodu yahay $56.9M, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee ay hayso 334,757 $ETH.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Dakhliga guud ee sannadlaha ah ee bangiga Robinhood ayaa kor u kacay 45% (YoY), isagoo gaadhay $989 milyan. Dakhliga ka yimid ganacsiga lacagaha dhijitaalka ah (crypto) ayaa ku dhowaaday inuu laba jibaarmo, isagoo gaadhay $160 milyan rubuci labaad ee 2025-ka.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $47.1 milyan oo ah $BTC iyo $20.3 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday July 30-keedii.
Spot ETF-yada BlackRock waxay iibsadeen 291 $BTC iyo 5,350 $ETH taariikhdu markay ahayd July 30-keedii.
- 🪙 Stablecoin
Visa waxay bilawday aqbalaadda stablecoins-ka PYUSD, USDG, iyo EURC.
- 🤖 Intelligence-AI
OpenAI waxaa soo galay dakhli sanadle ah oo gaadhaya $12 bilyan, iyadoo ku dhawaad labanlaabtay dakhligeedii toddobadii bilood ee ugu horreeyay 2025-ka. Sidoo kale, waxay leedahay qiyaastii 700 milyan oo si firfircoon u isticmaala adeegooda ChatGPT, sida aan ka soo xigannay The Information.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo