Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📉 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu naanat marayaa ku dhowaad $3.24 trillion waxuuna hoos u dhacay 2.80% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 134.04 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.5% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.5%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 14% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad ugu dhac santahay heerkii ugu yaraa ee abid.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 55% taas oo ka dhigan inuu yahey mid hoos u socdo ayna jirto kalsooni daro maalgashiyaasha suuqa ku qabaan.
- Bitcoin (BTC): Qiimihiisu wuxuu hoos ugu dhacay 103,580.80 taasoo ka dhigan hoos u dhac 12.22% ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.
- Ethereum (ETH): Qiimihiisu wuxuu kor u kacay $2,519, taasoo ka dhigan 0.30%
- Alt-coins ka kale ee suuqa sida Chainlink, Sol, Sui, Xrp, Doge coin, Ada iyo Bnp waxay hoos u dhacsanyihiin 37% halka ay jiraan kuwa kor u kac sameyay qiimahooda sida SUI, BNP iyo HyberLiquid waxayna sameyeen kor u kac dhan 3.5% saacadihii u dambeeye.
🔁 2. Exchange Inflow and Outflow
📥 1. Inflow – Hantida Suuqa La Soo Geliyay
Sida aan ka soo xiganay Coinglass waxaa sare u kacay dadka rabo inay iska iibiyaan Coinka BTC waxaana suuqyada la soo galiyay oo laga soo saaray Boorsooyinka qabow ‘Hardware wallets’ xadi badan oo BTC ah, Qiyaastii 25,000 BTC ayaa lagu soo wareejiyey gudaha suuqyada 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo muujin karta in ay jirto cadaadisiska iibin ah oo aad u sarayso.

xigasho: Coinglass
📤 2. Outflow – Hantida Suuqa Laga Saaray
Waxaa cagsigeeda jirto dad aruursanaayo BTC, si ay ugu faa’ideystaan hoos u dhaca qiimaha waxayna la adaayaan qadarka ay iibsadeen boorsooyinkooda gaarka ah sida ledger ama Trust wallet, Qiyaastii 14,806 BTC ayaa laga saaray exchang-yada 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo calaamad u noqon karta in dad badan ay BTC u wareejinayaan wallets gaar ah (cold storage) si ay u haystaan muddo dheer, suuqyada ugu waa wayn ee laga saaray
- Coinbase: ~9,012 BTC qiimaheeda $936 milyan
- Kraken: ~6,044 BTC $629 milyan
- Binance: ~4,975 BTC $518 milyan
- Gemini: ~627 BTC $65 milyan

Xigasho: cryptoquant
🏛️ 3. Xeerarka & Shuruucda
- Trump: Waxuu yiri Waxaan la hadli doonaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxaan rajeynayaa in aniga iyo Madaxweynaha Shiinaha aan wadi gaari karno xal waara.
- Sharci cusub oo lagu magacaabo CLARITY Act ayaa la soo bandhigay si loo caddeeyo xeerarka lagu maamulo hantida digitalka ah.
- Hay’adda SEC ayaa sheegtay in staking-ka aysan mar walba ahayn bixinta amniga, taasoo u oggolaan karta ETFs inay ku daraan staking-ka.
- Trump wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hadda laban-laabayo canshuurta kastamka (tariffs) ee lagu soo rogay birta laga keeno dibadda, isagoo ka dhigaya 25% ilaa 50%
- Madaxweyne ku xegeenka maraykanka JD Vance waxuu sheegay in Bitcoin ay amaan tahay dowladiisana ay noqon doonto mida samayso maalgashiga ugu badan.
🐋 4. Maalgashadayaasha Waaweyn (Whales)
- Whale weyn ayaa hadda iibsaday 8,000 Bitcoin oo qiimahoodu gaarayo $850 milyan
- Bitcoin: Maalgashadayaal waaweyn ayaa iibsaday in ka badan 20,000 BTC laba maalmood gudahood, taasoo muujinaysa kalsoonida ay ku qabaan suuqyada.
- Whale ayaa sameeyay boos $75.27 milyan ah oo leh leverage 25x, inkastoo uu wajahay khasaare $1.4 milyan ah. Midaan anaga waa naga xaaraan hadii aan muslim nahay.
🚀 5. Mashaariicda Horumarka Ku Socda ee Suuqa
- Dawgz AI waa mashruuc isku daraya Ai iyo meme coins. Waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu ballanqaadka badan ee loogu talagalay bull run-ka soo socda.
- Solaxy waa Layer-2 cusub oo ku saleysan Solana Blockchain, waxuuna bixiyaa abaalmarino staking iyo utility cross-chain.
- Qubetics waa mashruuc diiradda saaraya isku xirka blockchains kala duwan (interoperability) iyo horumarinta DeFi. Waxaa la rajaynayaa inuu noqon doono mid ka mid ah altcoins-ka ugu muhiimsan sanadkaan markii suuqyada lagu soo list gareeyo.
📈 6. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha saameeyo suuqa
- BlackRock: ETF-ga BlackRock’s iShares Bitcoin Trust ayaa la kulmay hoos u dhacii ugu weyn ee hal maalinsoo wajahdo waxaana laga saaray $430 milyan.
- Fidelity: waxay hadda iibsatay 14,000 ETH oo qiimahoodu yahay $38.3 milyan, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee hay’adaha.
- BLACKROCK ayaa iibsatay $70.2 Milyan oo Ethereum ($ETH) ah.
- Shirkadda AI-da Shiinaha ee Webus International Limited ayaa ku dhawaaqday qorshe maalgelin ah oo gaaraya $300M si ay u dhisto keyd istiraatiiji coin-ka XRP si loo taageero xalalka lacag dirista caalamiga ah
- Trump Media & Technology Group Shirkaddan ayaa qorsheyneysa inay ururiso ilaa $3 bilyan si ay u maalgelishato lacagaha cryptocurrencies sida Bitcoin.
🔗 7. Teknolojiyada Blockchain
- Shirkadda Spirit Blockchain Capital: ayaa sheegtay in hantideeda ay gaartay $1.02 bilyan, iyadoo ay sabab u tahay maalgashiyada Layer 1 iyo DeFi.
🤖 🌐 8. Ai, Web 3.0 & NFT.
- DeepSeek: ayaa soo saartay nooc cusub oo AI ah oo la tartamaya Ai-da kale sida OpenAI’s version keeda cusub ee o3. .
- Google waxay soo saartay Angular v20 oo ah mashruuc diiradda saaraya horumarinta Ai. Kaasoo u oggolaanaya horumariyeyaasha inay si fudud u dhisi codsiyo ku saleysan AI.
- Suuqa NFT-ga ee OpenSea ayaa soo bandhigay madal cusub oo loogu talagalay horumarinta mashruucyada la xariiro Web3.0 arintaan waxay ka dhigaysaa in web 3.0 uu noqdo mid adeegsigiisa uu kordho.
- Sam Altman, CEO-ga OpenAI, ayaa soo bandhigay qalab cusub oo la yiraahdo The Orb, oo lagu xaqiijinayo aqoonsiga dadka si looga hortago AI-ga been abuurka ah (Deep-fake). Qalabkan wuxuu isticmaalaa sawirka isha si loo abuuro “World ID”.
ka baro halkaan koorsada Crypto bilaaw ilaa dhamaad
1 Comment
Hassan abdi
Mahadsanid ust geele Bashiir, sababta suuqu usoodaatay maxaa lagusheegay¿.
Wxaankaloo kaasugaynay cashirkii labaad ee qaabka hoos looga sooraaco memo coins intaanlakeenin BINANCE
MAHADSANID