Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.81 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.11%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (44), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca cabsida.

In ka badan $245.06 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $169.38 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $109,825, hoos u dhac ah 1.30% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.01% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,334.20.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.52% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.81.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.58% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $205.32.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Baarlamaanka Ukraine ayaa ansixiyay akhrinta koowaad ee sharci lagu sharciyeynayo crypto iyo canshuurteeda, iyadoo 246 cod lagu meel mariyay soo jeedin ah in faa’iidada hantida dhijitaalka lagu soo rogo 18% canshuur dakhli iyo 5% canshuur milatariga loo qaadayo ah.

Eric Trump oo ka hadlaya Bitcoin ayaa yidhi, “Waxaan aaminsanahay Bitcoin, Waxaan arkaa sida adduunka oo dhan loola qabsayo, sida looga soo dhoweynayo caalamka oo dhan, waxaana uun bilaabanaya in albaabadu si buuxda ugu furmaan.”

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 3-da September, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 31,877 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.56 billion, waxaana ka baxay 25,731 BTC oo u dhiganta $2.87 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa ku soo qulqulayso.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Ganacsatada waaweyn ee haysta Ethereum u dhaxaysa 1k-100k $ETH ah ayaa kaydkooda kordhiyay 14%, 5-tii bilood ee la soo dhaafay.

Wallet aan firfircooneyn 12.8 sano ayaa dib dhaqdhaqaaq loogu sameeyay, iyadoo laga wareejiyay 0.25 BTC oo qiimahoodu yahay $28K.Wallet-ka weli waxaa ku jira 479.44 BTC oo qiimahoodu yahay $53.56 milyan.

Shirkadda Bitmine ayaa iibsatay 14,665 $ETH oo qiimahoodu yahay $65.3M, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee ay haystaan 1,881,639 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo ku dhawaad $8.4B.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Kooxdii sameysay Pump.fun ayaa helay $2.4 million oo ah khidmad.

Shirkadda ganacsi ayaa markii ugu horreysay taariikhda haysta ki dhawaad 1 million oo Bitcoin.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $300.5M oo $BTC ah ayaa la iibsaday, halka $38.2M oo $ETH ah la iibiyay 3-dii September.

BlackRock spot Bitcoin ETF ayaa iibsatay 2,610 $BTC oo qiimahoodu yahay $289.8M 3-dii September.

7. 🪙 Stablecoin

Ripple waxay ballaadhisay helitaanka $RLUSD stablecoin ee Afrika iyada oo la kaashanaysa shirkadaha Chipper Cash, VALR iyo Yellow Card, si ay hay’adaha maaliyadeed uga faa’iideystaan.

8. 🤖 Intelligence-AI

Maareeyaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa sheegay in qiyaastii 40% coding-ka maalinlaha ah ee shirkaddu isticmaasho uu yahay mid AI loo adeegsaday, iyaga oo qorshaynaya in laga dhigo in ka badan 50% bisha October.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment