Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.72 Tirilyan, waxuuna hoos u kor u kacay 2.85%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (54), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $268.11 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $211.36 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $116,345, kor u kac ah 1.92% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 6.48% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,834.85.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 4.35% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.06.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 5.23% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $172.34.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump wuxuu qorsheynayaa inuu ansixiyo amar madaxweyne Khamiista kaas oo oggolaanaya in lagu maalgeliyo 401(k) (keyd hawlgab) lacagaha crypto iyo hantida kale ee kale duwan (alternative assets).

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in imtixaanka musharrixiinta Guddoomiyaha cusub ee Federal Reserve uu bilowday, islamarkaana ay saddex qof u soo hadheen, dhammaantoodna ay kasoo jeedaan Wall Street.

Warbixinta ugu dambeysay ee Fed waxay raadinaysaa suurtagalnimada in dakhliga laga helo qiimaha kordhay ee keydka dahabka loo isticmaalo maalgelinta Kaydka Istiraatiijiga ah ee Bitcoin ee Maraykanka, sida ay soo jeedisay Senator Lummis.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 6-da August ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 23,376 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.68 billion, waxaana ka baxay 27,788 BTC oo u dhiganta $3.19 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa soo saartay 250,000,000 $USDC oo cusub oo ku salaysan Solana.

Shirkadda maamusha hantida ee Hong Kong, Trivest Advisors, ayaa shaaca ka qaaday inay leedahay in ka badan $90M oo saamiyo ka mid ah Bitcoin ETF-ka BlackRock.

Cosmos Health ayaa heshay maalgelin gaadheysa $300M si ay u bilowdo istiraatiijiyadda kayd oo ku saleysan Ethereum.

Shirkadda maareeysa hantida ee Parataxis Holdings ayaa qorsheynaysa inay ururiso $640 million si ay ugu iibsato $BTC ay ku darayso kaydkooda.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

$WLFI oo taageero ka hesha Trump ayaa soo bandhigtay Barnaamijka Dhibcaha, kaas oo abaalmarinaya isticmaaleyaasha marka ay ganacsadaan, haystaan, kaydsadaan ama adeegsadaan $USD1.

Saamiyada la token-gareeyay ayaa bishii July kor u kacay 220%, iyadoo Binance Research ay saadaalineyso fursad suuq oo gaadheysa $1.3 trillion iyadoo qaadashada habkan ay ku dhowdahay heerkii u sarreeyay abid.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $91.6M oo ah $BTC iyo $35.1M oo ah $ETH ayaa la iibsaday August 6-deedii.

ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 367 $BTC iyo 9,250 $ETH August 6-deedii.

  1. 🪙 Stablecoin

Mugga Isweydaarsiga stablecoin-ka $SUI ayaa kor u dhaafay $1 TRILLION.

Shiinaha ayaa baadhaya sidii uu u soo saari lahaa stablecoin-kii ugu horreeyay si uu u caalamiyeeyo renminbi-ga u lana tartamo awoodda doolarka, sida lagu sheegay Financial Times.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment