Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.28 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.52%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 59%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 62% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $354.06 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $216.99 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $124,614, kor u kac ah 0.03% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.41% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,702.2.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa gaadhay meeshii ugu sarraysay abid oo ah $1321.75, sameeyayna kor u kac dhan 7% 24-kii saac ee u dambeeyay.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.11% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.97.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.89% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $229.81.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Senator Lummis waxay tidhi, “Ansixinta maalgelinta lagu samaynayo kayd istaraatiiji ah oo Bitcoin ah waxa ay bilaabmi kartaa wakhti kasta.”
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-ka BlackRock ee ay $IBIT ayaa iibsaday 7,720 $BTC oo qiimahoodu dhan yahay $969.95M Oktoobar 6-deedii.
ETF-yada Ethereum ayaa iibsaday $1.3B oo ETH ah muddo shan maalmood ah gudahood, taasoo muujinaysa dalab xooggan oo ka imanaya hay’adaha maalgashiga.
ETF-ka Fidelity ayaa iibsaday $BTC u dhiganta $112.3M.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- Token FCB loo bixiyay ayaa lagu xayaysiiyay akoonka kooxda Barcelona kadib markii la jabsaday, iyada oo aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay balse ma aha mid fudud.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda BitMine Immersion ayaa iibsatay 179,251 $ETH oo qiimahoodu yahay $820.6 milyan todobaadkii la soo dhaafay.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
$BNB ayaa maanta gaadhay $1300 oo ah meeshii ugu sarraysay abid.
S&P ayaa soo saartay Index cusub oo crypto ah oo ka kooban 15 lacagood oo dhijitaal ah iyo 35 saamiyo la xidhiidha crypto.
Qiimahan suuqeedka Dahabka la Tokenize-gareeyay ayaa gaadhay $3.02B.
Bangiga Standard Chartered waxuu saadaaliyay in in ka badan $1 tirilyan laga yaabo inay ka baxdo bangiyada suuqyada soo koraya oo u wareego stablecoins-ka haddii korriinka crypto uu kor u sii socdo ilaa 2028-ka.
Stablecoin-ka ku xidhan lacagta Ruble ee dalka Ruushka ee A7A5 ayaa hadda hoggaaminaya dhammaan stablecoin-nada aan USD-ga ku xodhnayn, isagoo gaadhay qiime suuqeed ku dhow $500 milyan.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
OpenAI waxay ku dartay apps gudaha ChatGPT, iyadoo soo bandhigtay Apps SDK cusub oo u sahlaya horumariyeyaasha inay dhisaan codsiyo wax waydiin ah oo si toos ah u khuseeya wada sheekaysiga.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Bank of New York Mellon Corp. ayaa baadhaya isticmaalka lacag dhigashada bangiga in la Tokenize-gareeyo si ay u fududeyso adeeg bixinta ku saleysan blockchain. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo bangiyada waaweyn ee caalamka ay kordhinayaan qaadashada tiknoolajiyada blockchain ee nidaamyada lacag-bixinta.
BNY Mellon waxay ujeedadeedu tahay inay kor u qaaddo waxtarka iyo amniga macaamilada maaliyadeed iyada oo la adeegsanayo xalalka blockchain.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo