Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.2 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.95%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 54%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 55% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $635.56 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $489.91 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $122,862, hoos u dhac ah 1.41% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 4.73% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,485.72.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1315.59, sameeyayna kor u kac dhan 0.26% 24-kii saac ee u dambeeyay.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 3.25% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.87.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.82% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $221.61.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Bangiga dhexe ee Ingiriiska ayaa doonaya inuu xayiraadda ka qaado inta stablecoin ee qofku haysan karo.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Qiyaastii $875.6M oo $BTC ah iyo $420.9M oo $ETH ah ayaa la iibsaday Oktoobar 7-deedii.
ETF-ka BlackRock waxuu iibsaday 7,220 $BTC oo qiimahoodu yahay $899.4M iyo 93,430 $ETH oo qiimahoodu yahay $437.5M Oktoobar 7-deedii.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle waxay daabacday 1B oo $USDC shalay taas oo ka dhigan in bishan ay soo saartay 9B $USDC.
LibWork ayaa sameysay iibsigeedii ugu horreeyay ee $BTC. Iyadoo la bilaabay $3.3M, aan aragno halka uu ku dhammaan doono.
Madasha Pineapple Financial ayaa daahfurtay kayd dhaqaale oo $100M ah oo lagu maalgashanayo $INJ, iyadoo iibsiga ugu horreeya uu ahaa 678,353 $INJ oo qiimahoodu yahay qiyaastii $8.9M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
$BNB waxay kor u kacday toddobaadkan 30.3% iyada oo ka dhaqaaq fiican cryptada kale oo dhan.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in $SOL ay gaadhi karto ilaa $290–$345 haddii SEC ay toddobaadkan ansixiso spot Solana ETFs, iyadoo fursadda oggolaanshaha lagu qiyaasay ku dhowaad 100%.
Shirkadda Strategy ee Michael Saylor hadda waxa ay haysataa $80B oo $BTC ah, taasoo ku dhow kaydka lacagta ee Amazon, Google iyo Microsoft, iyada oo ku jirta kaalinta 5aad ee ugu weyn kaydka maaliyadeed shirkadaha ku jira S&P 500.
CleanCore Solutions waxay haysataa in ka badan 710M $DOGE oo qiimihoodu yahay qiyaastii $188M, taas oo ku dhow bartilmaameedkeeda ah 1B $DOGE iyadoo sugaysa diiwaangelinta SEC ee saamiyada gaarka ah ee loo qaybiyo.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Nvidia ayaa ku maalgelisay $2 bilyan mashruuca xAI ee Elon Musk, taas oo qayb ka ah wareeg maalgelineed dhan $20 bilyan oo lagu caawin doono mashruucyada adeegsada chips-ka Nvidia, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Solana ayaa ku dhawaaqday in nidaamkeeda (oo ay ku jiraan DeFi, AI, iyo barnaamijyada ganacsiga) uu soo saaray $2.85 bilyan dakhli sanadkii la soo dhaafay.
Korodhkaasi wuxuu muujinayaa sida Solana si sii kordheysa loogu arko madal tiknoolaji oo buuxda / platform barnaamijyo halkii kaliya ay ka ahaan lahaayeen blockchain.
☢ 8. Xogta dhaca crypto
PancakeSwap ayaa sheegtay inay la shaqeynayso kooxda X si ay u soo ceshato akoontiga PancakeSwapzh ee la jabsaday.
Isticmaaleyaasha waxaa lagu boorinayaa inaanay gujin wax links ama qoraallo ka imanaya akoonkaas.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo