Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

πŸ“ˆ 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.19 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.05%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 54%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 55% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $543.33 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $363.46 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $123,091, kor u kac ah 0.2% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.48% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,385.72.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1285.59, sameeyayna hoos u dhac dhan 2.44%24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.55% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.83.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 0.98% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $224.

πŸ“œ 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Cynthia Lummis ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso ka reebitaanka cashuurta yaryar (de minimis tax exemption) ee macaamilada Bitcoin ee maalinlaha ah, iyadoo ku boorisay taageerayaasha inay la xidhiidhaan Senators-kooda iyo xubnaha Congress-ka ugu jira si ay taageero ugu muujiyaan.

Gobolka North Dakota ayaa qorsheyneya inuu soo saaro stablecoin loogu talagalay lacag wareejinta bangiyada dhexdooda ah ee gudaha nidaamka Mareykanka, iyadoo raacaysa tallaabada Wyoming.

Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa ka qaaday xayiraaddii 4-ta sano socotay ee saarnayd crypto exchange-traded notes (ETNs), iyadoo Financial Conduct Authority (FCA) ay hadda oggolaatay in maalgashadayaasha shaqsiyaadka ah ay ka iibsan karaan ETN-yada crypto suuqyada ay FCA ansixisay.

πŸ’° 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Qiyaastii $440.7 milyan oo $BTC ah iyo $69.1 milyan oo $ETH ah ayaa la iibsaday Oktoobar 8-deedii.

ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ayaa Oktoobar 8-deedii iibsaday 3,510 $BTC oo qiimahoodu yahay $426.2 milyan, taasoo ka dhigan inuu hadda maamulo in ka badan 800,000 $BTC.

πŸ‹ 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda PayPay oo uu leeyahay bangiga SoftBank ayaa iibsatay 40% saamiga Binance Japan, taas oo muujinaysa ballaadhinta iskaashiga shirkadda fintech-ga iyo kuwa crypto ee suuqa Japan.

Laba ganacsade oo waaweyn ayaa iibsaday $BTC u dhiganta $90M iyo $122M.

πŸš€ 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

$BNB Chain ayaa jabiyay rikoodh, iyadoo isticmaalka gaaska maalinlaha ah uu dhaafay 5 tirilyan, taasoo ay horseedeen 24 milyan oo Isweydaarsi ah oo ah 77% dhaqdhaqaaqa shabakadda.

Shirkadda kaydka Solana ee DeFi Dev Corp. ayaa la gashay iskaashi Superteam Japan si ay u bilaabaan DFDV JP, oo noqonaya mashruucii ugu horreeyay ee kaydi ee u gaar ah Solana ee dalka Japan.

πŸ€– 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda uu Jack Dorsey leeyahay ee Square ayaa ku dhawaaqday inay bilaabi doonto adeegga lacag-bixinta Bitcoin ee madasheeda, taasoo u oggolaaneysa ganacsiyada yaryar inay aqbalaan lacag-bixinnada cryptocurrency. Intaa waxaa dheer, Square waxay casriyeysay adeegyadeeda AI-ga ku shaqeeya si loo siiyo ganacsatada falanqeyn iyo xog ka wanaagsan tii hore, taasoo fududeynaysa go’aan-qaadashada iyo xog-ogaalnimada isla markaana hagaajinaysa waayo-aragnimada macaamiisha.

πŸ”— 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Ripple ayaa ku fidaysa Bahrain iyada oo la kaashaneysa FinTechBay si kor loogu qaado adeegsiga blockchain iyo in la tijaabiyo mashaariicda hantida dhijitaalka ah.

☒ 8. Xogta dhaca crypto

Chainalysis ayaa qiyaastay in in ka badan $75 bilyan oo lacago crypto ah oo la xidhiidha dhaqdhaqaaq sharci-darro ah ay dowladuhu qabsan karaan, kadibna ay u rogi karaan keyd istaraatiiji ah, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment