Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.63 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 192.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $87585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,315.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $768.14
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.62.
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $103.82.
📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa
- Kongareeska Mareykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka meel mariyay “Hindise Sharciyeed Ku Meel Gaar ah” (Stopgap Bill) si looga baaqsado xiritaanka dowladda. Warkaan wuxuu si weyn u dajiyay suuqyada maaliyadeed iyo Crypto.
- Bankiga Dhexe ee Nigeria ayaa si rasmi ah u qaaday xayiraaddii saarnayd ganacsiga “Peer-to-Peer” (P2P), taasoo u ogolaanaysa malaayiin Afrikaan ah inay si xor ah u ganacsadaan.
💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Xogta hordhaca ah ee saaka ayaa muujinaysa in sanduuqa IBIT (BlackRock Bitcoin ETF) uu iibsaday $450 Milyan oo BTC ah saacadihii ugu horreeyay ee furitaanka suuqa, iyagoo ka faa’iideysanaya qiimaha jaban.
- Goldman Sachs ayaa ku dhawaaqday inay balaarinayso waaxdeeda ganacsiga Crypto si ay ugu darto adeegyada “Options Trading” ee Ethereum.
- Dhanka kale, Cathie Wood (Aas-aasaha Ark Invest) ayaa maanta iibisay qaar ka mid ah saamiyada Coinbase ($COIN) si uu ugu iibsado saamiyada Tesla.
🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
- STABLE Launch: Sida ballanku ahaa, token-ka STABLE ayaa maanta laga bilaabay sarrifka BitTap. Qiimihiisu wuxuu ku furmay $1.00 laakiin wuxuu gaaray $3.50 sababo la xiriira “FOMO” (Cabsida laga qabo in laga haro).
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa
- Boorsada caanka ah ee “Mr. 100” (oo maalin walba iibsata 100 BTC) ayaa maanta dib u soo laabatay kadib 3 maalmood oo ay aamusnayd, iyadoo iibsatay 300 BTC mar qura.
- Hal Whale ayaa 50 Milyan oo XRP kala baxay sarrifka Binance una wareejiyay boorso gaar ah (Cold Wallet), taasoo muujinaysa inuu qorsheynayo “HODL” inkastoo qiimuhu dhacay.
- Tether Treasury ayaa maanta duhurkii soo saartay (Minted) $2 Bilyan oo USDT oo cusub shabakadda Tron, lacagtaas oo badanaa loo isticmaalo in lagu iibsado Bitcoin.
🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa
- Shabakadda Base ee Coinbase ayaa maanta bilaabaysa tijaabada hab cusub oo isticmaalayaasha u ogolaanaya inay sameeyaan 5-ta macaamil ee ugu horreysa bishii lacag la’aan (Gas-free).
🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain
- Dood kulul ayaa maanta ka dhex bilaabatay horumariyayaasha Bitcoin kadib markii la soo jeediyay BIP-300 (Drivechains) mar kale, taasoo u ogolaanaysa Sidechains inay ku xirmaan Bitcoin.
🤖 8. AI & 🌐 Web 3.0
- Warar xanta suuqa ah ayaa sheegaya in shirkadda NVIDIA ay qorsheynayso inay si toos ah u maalgashato mashruuca Render Network si loo kordhiyo awoodda AI Cloud-ka.
🎨 9. NFT & 💸 DeFi
- Ururinta NFT ee Pudgy Penguins ayaa maanta ku dhawaaqday in alaabtooda carruurtu ay hadda laga heli karo dukaamada Walmart ee dalka oo dhan, taasoo sare u qaaday qiimaha NFT-ga.


