Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.63 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 138.54 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $78,112.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,28389
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $772.14
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.609.
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $103.82.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Hay’adda Dhaqaalaha ee UK (FCA) ayaa soo saartay qabyo-qoraal cusub oo lagu nidaaminayo “Staking” iyo “Lending”, taasoo siinaysa shirkadaha Crypto sharciyad cad laakiin adkeynaysa shuruudaha.
- Qorsheyaasha cusub ee UK waxay sidoo kale taabanayaan DeFi, iyadoo la doonayo in la ogaado cidda maamusha borotokoollada baahsan (Decentralized Protocols).
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Kadib maalmo ka bixid (Outflows), sanduuqyada Bitcoin ETFs ayaa diiwaangeliyay $562 Milyan oo “Inflow” ah maanta, taasoo muujinaysa in hay’aduhu ay iibsanayaan.
- Inkastoo Bitcoin ay dhacday, wararka ayaa sheegaya in hay’adaha waaweyn ay weli aaminsan yihiin istiraatiijiyadda “Digital Gold”, iyagoo aan iibineyn keydkooda.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Zama (ZAMA) Listing: Binance ayaa maanta shaacisay inay liis-gareyn doonto token-ka Zama (ZAMA), kaasoo diiradda saaraya tiknoolajiyadda “Fully Homomorphic Encryption (FHE)”.
- Binance waxay ku dhawaaqday inay ka saarayso liiskeeda token-ada ACA, CHESS, DATA, DF, GHST, iyo NKN taariikhdu markay tahay Febraayo 13, 2026.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta “On-chain” waxay muujinaysaa in 357,000 ETH ay maanta soo gashay sarrifka Binance, taasoo calaamad u ah in Whales-ku laga yaabo inay iibiyaan.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- ChainUp & 1exchange: Labadan shirkadood ayaa maanta ku dhawaaqday iskaashi lagu horumarinayo suuqa labaad (Secondary Market) ee hantida la token-gareeyay (RWAs), si loo kordhiyo Liquidity-ga Suuqa.
🤖7. AI & Web 3.0
- SEC ayaa wadda sharciyo lagu xakameynayo “AI Trading Bots”, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sababaan isbedbedelka suuqa ee degdega ah.


