Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.3 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 130.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $110.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 20.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $67,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,960.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $625.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $83.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Maxkamad federaal ah oo ku taal New York ayaa maanta gabi ahaanba laashay dacwad ka dhanka ahayd Uniswap. Maxkamaddu waxay xukuntay in (Protocol-ka) aysan mas’uul ka ahayn haddii dad ay u isticmaalaan inay ku abuuraan “Tokens” khayaano ah.
- Jamie Dimon oo ah Madaxa JPMorgan ayaa maanta ku baaqay in lacagaha Stablecoins-ka ee bixiya dulsaarka (Yield) loo nidaamiyo sida bangiyada caadiga ah.
- Shirkadda Keyfactor ayaa maanta shaacisay qalab cusub oo loogu talagalay in mashaariicda Crypto looga ilaaliyo khatarta kombuyuutarada Quantum-ka, taas oo qayb ka ah qorshaha Post-Quantum Cryptography.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shalay oo Isniin ahayd, Bitcoin ETFs waxay diiwaangeliyeen lacag dhan $458 Milyan oo gudaha u gashay. Waxaa horkacaya shirkadda BlackRock (IBIT) oo heshay $263 Milyan.
- Shirkadda Visa ayaa maanta shaacisay inay qorshaynayso inay kaararka lacagta Stablecoin-ka ku fadhida gaarsiiso in ka badan 100 waddan (oo ay ku jiraan Afrika iyo Bariga Dhexe) dhamaadka 2026.
- Shirkadda macdanta Bitcoin ee Core Scientific ayaa maanta sheegtay inay iibin doonto inta badan Bitcoin-ka ay hayso sanadkan si ay lacagtaas ugu isticmaasho horumarinta AI (Artificial Intelligence).
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Sarrifka ugu weyn India ee Mudrex ayaa maanta daah-furay Mudrex AI, kaas oo ah nidaam caawiya maalgashatada si ay u fahmaan xogta suuqa isagoo u bedelaya warbixin kooban.
- Xog cusub ayaa muujinaysa in qiimaha NFT-yada waaweyn (sida Bored Ape) uu hoos u dhacay in ka badan 95% marka lala barbardhigo heerkoodii ugu sarreeyay 2022.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Tirada Bitcoin ee taalla sarrifyada ayaa hadda maraysa 2.6 Milyan BTC, waana heerkii ugu hooseeyay tan iyo sanadkii 2018. Tani waxay inta badan ka dhigan tahay in sahayda (Supply) iibka diyaar u ahi ay yar tahay.
- Sarrifka ugu weyn Iran ee Nobitex ayaa maanta arkay lacag bixitaan aad u badan, iyadoo dadka dalkaas ay hantidooda u wareejinayaan boorsooyin gaar ah sababo amni darteed.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Maanta mashaariicda Web 3.0 waxay isticmaalayaan Blockchain si ay u caddeeyaan in sawirka ama codka aad arkayso uu yahay mid dhab ah iyo in kale (Deepfake detection), iyadoo la raacayo raadka xogta (Data Provenance) ee ku qoran silsiladda.
🤖7. AI & Web 3.0
- Madal cusub oo la yiraahdo FandoraAI ayaa maanta si caalami ah u ballaarisay adeeggeeda, iyadoo adeegsanaysa AI Agents si ay u maamulaan xiriirka taageerayaasha (Fandoms) iyo abuurayaasha kontent-ka, iyadoo la adeegsanayo token-ka $CRTR.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


