Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 04-01-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.11 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 75.49 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay40% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $91,054.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,132.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $886.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.011.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $133.82.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Guddiga Amniga iyo Sarrifka Mareykanka (SEC) ayaa wajahaya isbeddel hoggaan ka dib markii xubin Dimuqraadi ah (Caroline Crenshaw) ay ka tagtay, taasoo ka dhigaysa guddiga mid u janjeera dhanka Xisbiga Jamhuuriga oo taageersan Crypto.
  • Wadamada Filibiin iyo Australia ayaa soo saaray shuruuc adag oo lagu ilaalinayo macaamiishaisla markaana lagu ansixinaayo hantida dhijitaalka ah.
  • Koonfurta Kuuriya iyo Japan waxay xooga saarayaan isticmaalka lacagaha Stablecoins-ka maxalliga ah, iyagoo doonaya inay yareeyaan ku tiirsanaanta USDC iyo USDT.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Spot Bitcoin ETFs waxay diiwaangeliyeen in ka badan $24 bilyan oo qulqul lacageed (inflows) ah sannadkii tagay, taasoo muujinaysa kalsoonida hay’adaha waaweyn.
  • Wadarta guud ee ganacsiga ETFs-ka Crypto ayaa dhaaftay $2 Trillion, iyadoo muddadaas ay kala bar ka yar tahay waqtigii la filayay.
  • BlackRock iyo shirkado kale ayaa ballaariyay adeegyadooda ETP (Exchange Traded Products) ee Yurub, iyagoo bixinaya fursado maalgashi oo cusub.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • CoinCollect (COLLECT): Token-kan cusub ayaa laga diiwaangeliyay suuqyada MEXC iyo Binance Futures.
  • Filim cusub Netflix: Warar soo baxay ayaa sheegaya in Netflix ay soo saari doonto filim ku saabsan Crypto oo la yiraahdo One Attempt Remaining, kaasoo laga yaabo in laga sameeyo token-no cusub oo suuqa saamayn ku yeesha.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  •  Maalgashade weyn ayaa 800 BTC (oo u dhiganta $71 Milyan) kala baxay suuqa Bitfinex 24-kii saac ee la soo dhaafay.
  • Whale kale ayaa iibsaday in ka badan 5,104 ETH ($16 Milyan) maanta, taasoo muujinaysa kalsooni uu ku qabo mustaqbalka ETH.
  • Aasaasaha BitMEX, Arthur Hayes, ayaa la arkay isagoo hantidiisa ka wareejinaya Ethereum una wareejinaya Token-ada DeFi sida PENDLE iyo LDO.
  • Whale haysta Coinka ZEC ayaa sameeyay faa’iido dhan $5 Milyan kadib markii qiimaha ZEC uu dhaafay $500.

🏗️6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa  (Developing Projects)

  • Shirkadda Circle waxay soo bandhigtay mashruuc cusub oo loo yaqaan “Arc“, kaasoo ah Layer-1 loogu talagalay lacagaha sharciga ah iyo maamulka ganacsiga (Enterprise payments).
  • Mashruuc cusub oo ay taageerayso Tether ayaa helay $28 Milyan oo maalgelin ah si loo sameeyo blockchain u gaar ah Stablecoins-ka.

️7. Tiknoolajiyadda Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • IBM ayaa ku dhawaaqday kombuyuutar cusub oo Quantum ah (Starling) kaasoo la qorsheenaayo sannadka 2029 waxaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho s amniga Blockchain mustaqbalka.
  • Cusbooneysiinta weyn ee Ethereum (Pectra) ayaa la filayaa inay dhacdo May 2026, tijaabooyinkii u dambeeyayna waa ay guuleysteen.

🤖8. AI & Web 3.0

  • Sannadka 2026 waxaa loo arkaa sannadkii is-dhexgalka dhabta ah ee AI iyo Blockchain, iyadoo la sameynayo “AI Agents” oo si madax-bannaan lacag u diri kara (Agentic Payments).
  • Shirkadda Chainalysis ayaa soo saartay qalab cusub oo AI ku shaqeeya (Hexagate) si loo ilaaliyo horumarinta mashaariicda Web3.

🎨9. NFT & DeFi

  • Tirada NFT-yada suuqa yaalla ayaa gaartay 1.3 Bilyan, laakiin iibka (Sales) ayaa hoos u dhacay 37% sannadkii 2025.
  • Codeyn la sameeyay ayaa lagu ansixiyay in Uniswap ay bilowdo qaadashada khidmadaha borotokoolka (Fee switch), taasoo faa’iido lacag u soo xareynaysa dadka heysta token-ka UNI.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article