Wararka Maanta ee Suuqa kiribto 05-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.37 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 210.65 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $69,262.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,052.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $872.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $88.70.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Dowladda Japan ayaa maanta ansixisay sharci cusub oo dhimaya canshuurta macaashka Crypto laga bilaabo 55% ilaa 20%, taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo dhiirigelinaysa maalgashadayaasha Aasiya.
  • Midowga Yurub ayaa shaaciyay tilmaamaha kama dambeysta ah ee “DeFi Protocols” hoos imaanaya sharciga MiCA, iyadoo la kala saaray borotokoollada si buuxda u baahsan iyo kuwa dhexe.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • SEC ayaa maanta si hordhac ah u ansixisay ganacsiga “Options” ee Bitcoin ETFs, taasoo u ogolaanaysa hay’adaha inay sameeyaan istiraatiijiyado adag (Hedging).
  • Maalintii labaad oo xiriir ah, Bitcoin ETFs waxay diiwaangeliyeen lacag ka badan $800 Milyan, iyadoo BlackRock iyo Fidelity ay hoggaaminayaan.
  • Shirkadda Franklin Templeton ayaa maanta soo saartay sanduuq cusub oo isku daraya “Bitcoin iyo Gold” oo loogu talagalay maalgashadayaasha waa wayn.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Token-ka Nexus ayaa maanta lagu liis-gareeyay sarrifyada waaweyn. Qiimihiisu wuxuu kacay 150% saacadihii ugu horreeyay sababo la xiriira tirada ciyaartoyda oo badan.
  • Sarrifka KuCoin ayaa maanta liis-gareeyay mashruuca LayerAI (LAI), kaasoo diiradda saaraya xogta AI, waana token aad loo hadal hayo.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Whale weyn ayaa maanta kala baxay sarrifka Binance 2,000 BTC ($168 Milyan), taasoo calaamad u ah inuu qorsheynayo inuu haysto muddo dheer (HODL).
  • Circle ayaa maanta soo daabcaday $500 Milyan USDC oo dheeraad ah shabakadda Base, taasoo muujinaysa kororka isticmaalka shabakaddaas.
  • 200 Milyan oo XRP ayaa maanta laga wareejiyay boorsada Ripple loona wareejiyay boorso aan la garanayn.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Ethereum Foundation ayaa maanta soo saaray war-bixin cilmi-baaris ku saabsan sida loo ilaaliyo boorsooyinka haddii kombuyuutarada Quantum ay soo baxaan.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • NVIDIA ayaa bilowday adeeg tijaabo ah oo u ogolaanaya mashaariicda Web3 inay kireystaan awoodda GPU-yada iyagoo isticmaalaya lacagaha Crypto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article