Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 10-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.14 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.87%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 30% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $440.29M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $317.18M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Cynthia Lummis waxay qorshaynaysaa inay soo saarto nuqul-hordhac (draft) oo ku saabsan sharciga qaab-dhismeedka suuqa Kiribto dhammaadka usbuucan, si shirkadaha iyo labada xisbi ay u eegaan ka hor inta aan la guda gelin ansixintiisa toddobaadka dambe.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Trump ayaa qaadi doona toddobaadkan waraysigii ugu dambeeyay ee cidda uu u dhiibi doono Maamulka Fed.

Dawladda Japan ayaa ka doonaysaa is-weydaarsiyada Kiribto inay haystaan kayd mas’uuliyadeed (liability reserves) ama caymis, si loo dammaanad-qaado magdhawga macaamiisha haddii ay dhacaan weerarro (hacks). Tani waa isbeddel weyn oo sharci ah oo beddeli kara qaabka suuqan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada BTC, ETH, SOL iyo XRP waxay diiwaan geliyeen inay heleen maalgashi cusub dhammaantood :

BTC: $151.74M

ETH: $177.64M

SOL: $16.54M

XRP: $8.73M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda SpaceX ayaa wareejisay 1021 $BTC.

500M oo $USDC ayay daabacday shirkadda Circle.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

YoungHoon Kim, oo leh IQ-ga adduunka ugu sarreeya oo ah 276, ayaa sheegay in Bitcoin ay mar kale gaadhi karto $100K, 7 maalmood gudahood.

Amazon waxay $35 bilyan ku maalgelin doontaa dalka Hindiya, waxayna qorsheyneysaa inay abuurto 1 milyan oo shaqo iyadoo ballaadhinaysa AI-ga iyo adeegyada kaydka tiknoolajiga ah (cloud).

Bangiyada Mareykanka waxaa hadda loo oggolaaday inay noqdaan dhexdhexaadiyeyaasha macaamillada Kiribto kadib markii sharci cusub uu u oggolaaday.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Xafiiska Sare ee Mareykanka ee Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah (CDAO) ayaa doortay tiknoolajiyadda AI-ga ee Google Cloud si uu u xoojiyo nidaamka cusub ee AI abuurista (GenAI.mil) ee loo adeegsanayo howlaha Wasaaradda Difaaca oo dhan. Tani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhexgalinayo AI horumarsan gudaha militariga iyo adeegyada dowladeed.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Stripe iyo Paradigm oo taageero ka hela Tempo ayaa bilaabay testnet, taas oo ah blockchain diiradda saareya lacag-bixinnada, kuna talagalay xaqiijin degdeg ah iyo khidmooyin la awoodi karo.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article