Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 10-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.38 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.12%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $316.26M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $176.22M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka (United States Department of Justice) ayaa dooneysa inay dib u maxkamadeyso aasaasaha Tornado Cash, Roman Storm, iyada oo lagu eedeeyay dacwado la xidhiidha lacag dhaqid iyo jebinta cunaqabataynta la saaray, waxayna soo jeedisay in dhagaysiga maxkamadda la qabto horraanta bisha Oktoobar.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada Bitcoin.

BTC: $167.03M
ETH: – $51.32M
SOL: – $2.48M
XRP: – $18.11M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Rain ($RAIN)

  • Dhacdo weyn oo ku saabsan furitaanka token-ka (token unlock) ayaa dhacaysa 10-ka Maarso 2026.
  • Qiyaastii 37.4 bilyan oo $RAIN tokens ah ayaa la qorsheeyay in lagu sii daayo suuqa.
  • Token-nadan la daah-furayo waxaa lagu qiimeeyay ku dhowaad $338 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Saamiyada la Tokenize-gareeyay ayaa qiime ahaan dhaafay $1B.

Mugga ganacsiga shidaalka ee hyperliquid ayaa ka kacay $21M oo gaadhay $1.2B inta dagaalka Maraykanka iyo Iiraan socdo.

Shirkadda Sonic Labs ayaa soo bandhigtay Stablecoin-ka USSD oo ah mid ku xidhan hantida shirkadaha BlackRock, Superstate iyo WisdomTree.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

ChatGPT ayaa ah aaladda AI ee caalamka loogu adeegsi badan yahay marka laga reebo Shiinaha oo DeepSeek ugu sarreeyo.

Shirkadda Nvidia ayaa ku talo jirta inay soo saarto adeeg AI oo isticmaalkiisu furan yahay kaas oo u oggolaanaya Shirkadaha inay samaystaan AI u fududayn kara shaqadooda.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Ethereum ayaa hoggaaminaysa Blockchain-yada sannadkan marka la eego hantida dhex martay oo dhan $2.1B.

☢️ 8. Xogta dhaca kiribto

Kooxda La-dagaallanka dhaca ee UK ayaa tilmaamay in khiyaanooyinka Kiribto iyo khiyaanooyinka maalgashigu ay yihiin khatar sii kordhaysa.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article