Wararka Maanta ee Suuqa kiribto 11-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.27 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 102.34 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 9% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $85.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 13.83 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $66,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,919.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $597.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $79.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Xoghayaha Maaliyadda Hong Kong, Paul Chan, ayaa maanta shirka Consensus ka sheegay in dowladdiisu ay qaadanayso siyaasad “Pro-Innovation” isagoo ballanqaaday in Web3 iyo AI loo isticmaali doono horumarinta dhaqaalaha dhabta ah.
  • Dowladda Ingiriiska waxay soo saartay xeerka “Financial Services and Markets Act 2026”, kaasoo si buuxda u dhaqan-galaya sanadka dambe, balse shirkadaha Stablecoins-ka ayaa la siiyay digniin degdeg ah.
  • Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa maanta ansixiyay qaab-dhismeed cusub oo nidaaminaya “Dirham-backed Stablecoins“, taasoo waddada u xaaraysa bangiyada inay soo saaraan lacago dhijitaal ah.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Maadaama suuqa uu galay “Extreme Fear“, sanduuqyada Bitcoin ETFs ayaa maanta diiwaangeliyay lacag bixitaan dhan $145 Milyan, taasoo ah maalintii 3-aad oo xiriir ah oo lacag la bixinayo.
  • Bangiga Goldman Sachs ayaa maanta tijaabiyay nidaam cusub oo “Tokenized Assets” ah, iyagoo min-guurinaya hantida guryaha (Real Estate) oo ay ka dhigayaan tokens.
  • Grayscale ayaa maanta shaacisay inay samaynayso “Privacy ETF” cusub, kaasoo diiradda saaraya lacagaha iyo shirkadaha ilaalinta xogta (Privacy focus), inkastoo sharciyadu adag yihiin.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • SUBBD: Token-kan cusub oo ku shaqeeya shabakadda Base ayaa maanta sameeyay (+200%) kadib markii la ogaaday inuu xiriir la leeyahay mashruuca Stripe ee AI payments.
  • Ripple ayaa maanta shaacisay in Stablecoin-kooda RLUSD lagu dari doono adeegyada xawilaadda ee Bariga Dhexe.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Shirkadda Cango Inc. ayaa maanta iibisay 4,451 BTC ($300 Milyan+), si ay ugu maalgeliso xarumahooda AI. Tani waxay ahayd sababta ugu weyn ee qiimaha Bitcoin u dumay maanta.
  • Hal Whale oo haystay ETH badan tan iyo 2020 ayaa maanta iibiyay 12,000 ETH markii qiimuhu jabiyay $2,000, isagoo u wareegay USDT.
  • 45 Milyan oo XRP ah ayaa maanta laga wareejiyay sarrifka Binance loona wareejiyay boorso aan la garanayn.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Heerka adkaanta qodista Bitcoin (Difficulty) ayaa maanta hoos u dhacay 11%, taasoo ah hoos u dhacii ugu weynaa tan iyo 2021. Tani waxay ka dhigan tahay in qodistu ay fududaatay balse qiimaha ayaa liita.
  • Cilmi-baarayaal ka tirsan MIT ayaa maanta soo saaray waraaqo cilmiyeed ku saabsan hab cusub oo Blockchain looga ilaalin karo kombiyuutarada Quantum-ka.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Mashruuca PIN AI ayaa maanta qabsaday baraha bulshada kadib markii la sheegay in “Token Generation Event” (TGE) uu dhici doono Qaybta 2aad, ee sannadka 2026.
  • Sarrifka BingX wuxuu maanta soo kordhiyay adeegga “Copy Trading Plaza”, kaasoo isticmaalaya AI si uu u kala shaandheeyo ganacsatada ugu fiican ee la raaco.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article