Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 11-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.55 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.09%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 31% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $372.02M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $245.12M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Guddiga Beeraha ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa soo saaray qoraal sharci oo labada xisbi isku raaceen oo lagu nidaaminayo suuqyada Kiribto, kaas oo dhigaya in CFTC ay maamusho ganacsiga hantida dhijitaalka ah oo loola dhaqmo badeecooyin ahaan (digital commodities).

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Bangiga Dhexe ee Brazil ayaa sheegay in laga bilaabo Febraayo 2026, bixinta stablecoin-ka iyo lacag isugu diridda boorsadaha dhijitaalka ah (crypto wallets) qaarkood lagu tirin doono hawlgallo lacag qalaad (foreign exchange operations) — taas oo micnaheedu yahay in lagu dabaqi doono sharciyo iyo kormeer la mid ah kuwa lagu dabaqo lacagaha qalaad sida doolarka ama euro-da.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin (BTC): $1.2M oo maalgashi cusub ah ayay heleen— korodh yar balse togan kadib isbeddelladii dhawaan dhacay.

ETF-yada Ethereum (ETH): Ma jirin wax dhaqdhaqaaq ah — maalin deggan oo aan isbeddel lahayn ayay u ahayd ETF-yada Ethereum.

ETF-yada Solana (SOL): $6.8M oo maalgashi cusub ah— iyadoo sii wadaysa silsiladdeeda xooggan ee maalgelinta is-xigta ah

Maalgashadayaasha ayaa u muuqda inay si tartiib ah ugu wareegayaan ETF-yada Solana, taasoo muujinaysa kalsooni sii kordhaysa oo ku aaddan la qabsiga SOL ee heerka shirkadaha waaweyn.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Tether iyo Circle ayaa maanta soo saaray guud ahaan $1.5 bilyan oo ah stablecoins.

Tether waxay ku shubtay 1 bilyan $USDT shabakadda Ethereum.

Circle-na waxay ku shubtay 500 milyan $USDC shabakadda Solana.

BitMine hadda waxay haysataa 2.9% guud ahaan tirada Ethereum ($ETH), kaddib markii ay toddobaadkii hore iibsadeen 110,288 $ETH intii lagu jiray hoos-u-dhacii suuqa.

Ganacsade weyn (whale) ayaa maanta iibsaday 75,418 $ETH oo qiimahoodu yahay $267 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bitcoin ayaa si weyn u trending uga noqotay baraha bulshada kadib markii ay kacday 6.7%, iyadoo dhaaftay $106,000 — taas oo timid ka dib markii Senate-ka Mareykanka ansixiyay sharcigii lagu soo afjarayay government shutdown-ka.

Suqyada Kiribto ayaa si togan uga falceliyay, iyadoo maalgeliyeyaashu u arkaan dhammaadka shutdown-ka calaamad xasillooni dhaqaale iyo kalsooni suuq keenaysa.

Shirkadda TeraWulf oo qodda Bitcoin (Bitcoin miner) ayaa sheegtay in dakhligeedu (Q3) uu kacay 87% sanadkii hore marka la barbar dhigo, isagoo gaadhay $50.6 milyan — korodhka waxaa horseeday qiimaha Bitcoin ee sare u kacay iyo ballaadhinta howlaha qoditaanka (mining expansion).

Shirkaddu waxay sheegtay inay sii wadi doonto kordhinta awoodda wax-soo-saarka iyadoo ka faa’iidaysanaysa rajada dheer ee bull run-ka Bitcoin.

Warbaahinta Wall Street Journal ayaa sheegtay in Coinbase ay bilaabayso madal cusub oo iibinta token-yada loogu talo galay, taas oo loogu talagalay maal-gashadayaasha caadiga ah (retail investors) iyo soo-saarayaasha token-ka (issuers).

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda C3.ai ayaa ku talo jirta iibinta shirkadda ka dib markii asaasaha iyo CEO-gu uu ka tagay xilka. Shirkaddan, oo siisa adeegyo waaweyn oo AI ah macaamiisha sida hay’adaha dowladda iyo shirkadaha waaweyn, waxay soo martay sannad adag oo dakhligeedu yaraaday.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

JPMorgan iyo DBS Bank ayaa iska kaashanaya horumarinta qaab-dhismeed lacag dirid oo tokenized ah iyagoo adeegsanaya shabakadaha blockchain si loo fududeeyo lacag diridda caalami ah oo 24/7 ah.

Tani waxay si weyn u kordhin kartaa xawaaraha iyo waxtarka lacag-bixinta caalamiga ah, iyadoo sidoo kale muujineysa sida bangiyada waaweyn ay u qaadanayaan kaabayaal blockchain, aan kaliya ku koobneyn Kiribto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment