Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 12-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,059.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,834.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $647.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $81.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Guddi hoosaadka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa maanta si hordhac ah u meel-mariyay qodobbo muhiim oo ka mid ah “Clarity Act”, gaar ahaan qaybta kala saaraysa Commodities (sida BTC, ETH) iyo Securities.
  • Bangiga Dhexe ee Nigeria (CBN) ayaa maanta si rasmi ah u qaaday xayiraaddii saarnayd bangiyada inay u adeegaan sarrifyada Crypto.
  • Dacwadda u dhaxaysa SEC iyo sarrifka Kraken ayaa maanta gashay weji cusub, iyadoo maxkamaddu ay diiday codsigii SEC ee ahaa in la xayiro hantida macaamiisha qaarkood.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Michael Saylor ayaa maanta xaqiijiyay in MicroStrategy ay iibsatay 500 BTC oo dheeraad ah shalay markii qiimuhu hoos u dhacay, iyagoo celcelis ahaan ku qaatay $67,050.
  • Sanduuqa hawlgabka ee ugu weyn Japan (GPIF) ayaa maanta shaaciyay inuu bilaabay daraasad ku saabsan in Bitcoin lagu daro liiska hantida la maalgashan karo 2027.
  • Cathie Wood oo madax ka ah (Ark Invest) ayaa maanta iibisay saami yar oo Coinbase ah (COIN) si ay ugu wareejiso saamiyada shirkadda macdanta ee Marathon Digital (MARA).

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Grok Token (GROK2): Token cusub oo xiriir la leh Ai uu soo saaray Elon Musk ee Grok 2.0 ayaa maanta sameeyay 150% koror, inkastoo uu yahay mashruuc halis ah (Meme coin).

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Boorso Bitcoin oo aan dhaqdhaqaaqin tan iyo 2013 ayaa maanta la dhaqaajiyay iyadoo 1,000 BTC u wareejisay boorsooyin cusub, taasoo dhalisay cabsi.
  • Tether waxay maanta daabacday 1 Bilyan oo USDT oo cusub shabakadda Tron, taasoo inta badan calaamad u ah in iibsi weyn la qorsheynayo maalmaha soo socda.
  • 400,000 LINK ah ayaa maanta laga saaray sarrifka Binance.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Kooxda horumarinta Ethereum ayaa maanta shaacisay taariikhda rasmiga ah ee tijaabada “Pectra Upgrade” ee Testnet-ka, taasoo hagaajin doonta jeebadaha (Wallets).
  • Macmiilka cusub ee ansixinta (Validator client) ee Solana ee Firedancer ayaa maanta gaaray heerka 1 Milyan TPS jawiga tijaabada.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Warar xan ah ayaa maanta sheegaya in OpenAI ay wado qorshe ay ku samaynayso nidaam lacag-bixineed oo Crypto ah si loogu bixiyo adeegyada API-ga.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article