Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.53 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.49%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 26% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $386.16M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $276.04M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Guriga Wakiillada Mareykanka ayaa caawa saacadda 3-da habeennimo cod u qaadi doona sharciga si rasmi ah u soo afjari doona xayiraadda dowladda oo socotay 43 maalmood.
Ku-xigeenka guddoomiyaha Bangiga England (BOE), Sarah Breeden, ayaa ka digtay in xeerarka jilicsan ee stablecoin-ka ay khatar gelin karaan xasilloonida maaliyadeed.
Qareenka taageersan XRP, John Deaton, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursi Senate-ka Mareykanka sanadka 2026.
Ka dib markii uu ku guuldarreystay tartankii uu kula jiray Elizabeth Warren sannadkii 2024, wuxuu hadda ku soo laabtay isku-daygiisii labaad.
Haayadda canshuuraha ee IRS-ka Maraykanka waxay ula dhaqmaysa Kiribto inay tahay hanti, sidaas darteed si toos ah looma canshuuri doono.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada BTC ayaa diiwaangeliyay $524 milyan oo maalgashi cusub ah 11-ka Noofambar, halka ETF-yada $ETH ay yeesheen $107.1 milyan oo maalgashi ka baxay ah.
Dhanka kale, ETF-yada $SOL ayaa helay $8 milyan oo maalgashi cusub ah.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Macaamiisha BlackRock ayaa iibsaday $224.3M oo $BTC ah.
Shirkadda BitMine ayaa maanta iibsatay 24,007 $ETH oo qiimahoodu yahay $82 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Morgan Stanley ayaa sheegtay in Bitcoin uu galay marxaladda loo yaqaan “xilli qabow oo dhaqaaq badan jirin.”
Circle ayaa baadhaysa suurtogalnimada ah inay ku soo saarto token-keeda u gaarka ah shabakadda Arc Network.
Bybit ayaa shaacisay in 16 shabakad blockchain oo waaweyn ay ku jiraan “Code” qarsoon oo awood u leh in lagu xannibo lacagaha isticmaalayaasha.
Agaasimaha guud ee Kraken, Arjun Sethi, ayaa sheegay in xeerarka Kiribto ee UK ee loogu talagalay in lagu ilaaliyo isticmaalayaasha ay xaaladda ka sii darayaan, iyadoo ay jiraan digniino aan dhammaad lahayn iyo dib-u-dhacyo joogto ah.
Shirkadda JPYC ayaa sheegtay in soo-saarayaasha stablecoin-ka ay beddeli karaan Bangiga Dhexe ee Japan oo ah kuwa ugu waaweyn ee iibsada bonds-ka dowladda.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkad Shiinaha ah oo ka shaqaysa AI oo lagu magacaabo Moonshot ayaa la sheegay inay ka sare martay moodellada waaweyn sida GPT‑5 iyo Claude 3 Sonnet 4.5 qaar ka mid ah tijaabooyinka qiimeynta.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
ETF-ka Chainlink ee ay maamusho Bitwise Asset Management ayaa lagu daray liiska DTCC iyadoo la adeegsanayo ticker-ka CLNK, taasoo ah talaabo habraac ah oo ku saabsan oggolaanshaha ganacsiga ETF-yada la xidhiidha blockchain, inkastoo oggolaanshaha sharciyaysan weli la sugayo.


