Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.29 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 99.52 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 8% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $83.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 15.83 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $67,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,959.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $598.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $80.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $.36.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay maanta soo jeedisay sharci cusub oo lagu xakamaynayo “Non-Custodial Wallets” iyadoo la doonayo in la ogaado cidda iska leh haddii lacag ka badan $3,000 la diro.
- Wasiirka Maaliyadda Hindiya ayaa maanta sheegay in G20 ay ku heshiiyeen inaan la mamnuucin Crypto, balse la sameeyo nidaam caalami ah oo lagu wadaago xogta canshuuraha (CRS) laga bilaabo 2027.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Warbixinta todobaadlaha ah ee maanta soo baxday ayaa muujinaysa in ETFs-ka Bitcoin ay diiwaangeliyeen lacag bixitaan (Net Outflow) dhan $200 Milyan usbuucan, taasoo ah tii ugu badneed muddo bil ah.
- Shirkadda VanEck ayaa maanta soo saartay saadaal sheegaysa in Ethereum ETFs ay dhaafi doonaan Bitcoin ETFs xagga mugga ganacsiga sanadka 2030.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Sarrifka OKX ayaa maanta liis-gareeyay ZetaChain (ZETA), kaasoo diiradda saaraya isku-xirka Omni-chain, waxaana qiimihiisu kor u kacay 15%.
- Token cusub oo lagu magacaabo $JASON laguna sameeyay shabakada Solana, ayaa maanta qarxay, isagoo sameeyay 3,000% faa’iido saacado gudahood.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Whale weyn ayaa maanta sarrifka Kraken soo geliyay 50 Milyan oo USDC, calaamad muujinaysa inuu diyaar u yahay inuu iibsi sameeyo haddii qiimuhu dhaco.
- 100 Milyan oo XRP ah ayaa maanta laga wareejiyay Ripple loona wareejiyay boorso aan la garanayn, taasoo dhalisay xan ku saabsan iibsi hay’adeed.
- Whale caan ah oo ku ganacsada Suuqa Bitfinex ayaa maanta furtay boos Long oo Bitcoin ah ($50 Milyan), isagoo sharad ku galaya in qiimuhu kici doono Isniinta.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Mashruuc cusub oo la yiraahdo “Citrea” ayaa maanta soo bandhigay xal ZK-Rollup ah oo ka shaqeynaya Bitcoin dushiisa, si loo kordhiyo awoodda qanacsiga.
- NIST (National Institute of Standards and Technology) ayaa maanta ansixisay algorithm cusub oo Blockchain una adkeysan kara weerarada kombiyuutarada Quantum-ka.
🤖7. AI & Web 3.0
- Sam Altman aas-aasha Worldcoin, Maanta Qiimaha WLD ayaa kor u kacay 10% kadib markii Sam Altman uu soo dhigay barta X video muujinaya nooc cusub ee qalabka isha lagu baaro.


