Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.43 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 76.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay44% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $71,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,208.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $600.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $83.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.33.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Xarunta sarrifka ee Coinone ayaa lagu riday ganaax lacageed oo dhan $3.5 Milyan, waxaana shaqada laga joojiyay qayb kamid ah muddo 3 bilood ah, kadib markii lagu helay inay jabiyeen xeerarka AML (La-dagaallanka Dhaqida Lacagaha).
- Xeeriyeyaasha caalamiga ah ayaa sii adkeeyay kormeerka xawilaadaha Crypto ee ku wajahan Bariga Dhexe iyo Aasiya si loo hubiyo inaysan jirin dhinaca dambe oo lagu jabiyo cunaqabataynta.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda Strategy ayaa samaysay iibsigii ugu weynaa sanadkan, iyagoo suuqa soo geliyay $1 Bilyan si ay u iibsadaan 13,927 BTC. Hadda waxay leeyihiin ku dhawaad 781,000 BTC.
- Sanduuqyada maalgashiga ayaa diiwaangeliyay lacago gaaraya $1.1 Bilyan oo soo galay toddobaadkan; waana rikoorkii ugu sarreeyay tan iyo horraantii 2026.
- Hay’adaha waaweyn ayaa iska indha-tiraya buuqa siyaasadda ee xilligan dhow, waxayna diiradda saarayaan ururinta hantida kahor inta uusan suuqu samaynin kobac weyn.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Mashruuca World ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo bisha Luulyo ay 40% hoos u dhigi doonaan xaddiga Token-nada cusub ee suuqa soo galaya (Unlock rate), taas oo yareyn karta sicir-bararka WLD.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Shirkadda BitMine ayaa iibsatay Ethereum aad u badan, iyagoo hadda maamula in ka badan 4% dhammaan sahayda ETH. Waxay u arkaan kayd-qiime lagu halleeyo.
- Whales ayaa hantidooda isbeddelka ku samaynaya suuqyada gaarka ah (Over-The-Counter) si aysan saameyn ugu yeelan qiimaha la wada arko ee suuqa caadiga ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Khidmadaha (Gas fees) shabakadaha dhexdooda ah ayaa sare u kacay, waxaana la dareemayaa ciriiri dhanka nidaamyada L1 iyo L2 marka dadku ay si dhaqso ah hanti isaga kala beddelayaan.
🤖7. AI & Web 3.0
- Mashaariicda Web3 ee ku shaqeeya AI ayaa xoojinaya awooddooda lagu ogaanayo wararka been abuurka ah ee loo isticmaalo in lagu kiciyo cabsi suuqa Crypto.
🚨 8. Amniga
- Weerarkii Hyperbridge ayaa la kulmay jabsi aad u xun, kadib markii burcadu ay si been abuur ah u sameeyeen 1 Bilyan oo token Fake DOT. Waxay ku guuleysteen inay nidaamka kala baxaan hanti dhab ah oo gaaraysa $237,000 kahor inta aan la ogaan.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


