Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 13-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.48 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.32%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $568.77M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $456.57M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay in la gabagabeeyo xidhitaanka dawladda Maraykanka oo socday 43 maalmood.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Bangiga Dhexe ee Taiwan ayaa qorsheynaya inuu tijaabiyo kayd istiraatiiji ah oo Bitcoin ah oo qayb ka ah qorshihiisa maaliyadeed ee qaran.

Maxkamadda Dubai ayaa xannibtay $456 milyan oo la xidhiidha lacag-gargaar uu Justin Sun u fidiyey shirkadda soo saarta TrueUSD (Techteryx).

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa la diiwaangeliyey in maalgashi lagala baxay Noofamber 12-keedii, iyada oo Bitcoin ay ka baxday $278.1M Ethereum-na ay ka baxday $183.7M.

ETF-yada Solana waxaa soo galay maalgashi cusub oo dhan $18.1M.

ETF-kii ugu horreeyay ee spot $XRP, oo loo yaqaan XRPC, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilaabmo maalinta Khamiista, iyadoo la sugayo shahaadada ugu dambeysa ee Nasdaq.

ETF-yada Solana ayaa mar walba helayay maalgashi cusub tan iyo markii la bilaabay.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyey 26,610 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo $91.09 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Waxaa maanta magaalada Amsterdam ka dhacaya shirka Bitcoin oo uu Gelle bashir nagu matalayo haddaba waxaad kala socon kartaa barteenna X ee Gelle Crypto.

Bitcoin Depot, oo ah shirkadda ugu weyn ee ATM-yada Bitcoin ee Waqooyiga Ameerika, ayaa ballaadhinteeda ku fidisay magaalada Hong Kong.

Sui waxay bilaabaysaa stablecoin-keeda u gaarka ah ee USDsui, oo uu soo saarayo Bridge, waxaana la filayaa inuu si rasmi ah u bilaabmo sanadkan.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Meta waxay shaqaaleysiisay afar cilmi-baadhe oo hore uga tirsanaa OpenAI si loo xoojiyo dadaalladeeda AI, taasoo muujinaysa dadaal xooggan oo lagu horumarinayo xirfadda iyo awoodaha Garaadka macmalka ah.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment