Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 14-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.25 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 6.41%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 22% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $1.16B ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $1.03B ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Hawlgalada SEC iyo CFTC ee Mareykanka ayaa dib u bilaabanaya maanta ka dib 43-maalmood oo ay xidhnayd dowladdu, iyadoo shaqaaluhu ku soo laabanayaan shaqada ka dib ansixinta sharciga maalgelinta.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Bangiga Dhexe ee Taiwan wuxuu si rasmi ah u qiimeyn doonaa in Bitcoin lagu daro kaydkiisa istaraatiijiga ah, halka Sony ay soo bandhigtay “Soneium” oo ah Ethereum L2super app” isku xidhaya isticmaaleyaasha adeegyada DeFi.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa la kulmay baxitaan maalgashi 13-kii Noofambar, waxaana ka baxay $866.7 milyan oo Bitcoin ah iyo $259.6 milyan oo Ethereum ah.

ETF-yada Solana ayaa dhanka kale diiwaangeliyay $1.5 milyan oo maalgashi cusub ah (inflows).

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Ark Invest ee Cathie Wood ayaa iibsatay 242,347 saamiyo ah oo ka tirsan shirkadda kaydka $ETH ee BMNR.

Macaamiisha Canary Capital ayaa iibsaday $XRP u dhiganta $245M.

Ganacsade ayaa furay trade “long” ah Bitcoin oo ku fadhiya $31M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Aave ayaa heshay oggolaanshaha MiCA ee Midowga Yurub.

Celceliska bishii ee hantida ay la baxeen haysteyaasha muddada dheer (long-term holders) wuxuu ka kacay in ka badan 12,000 BTC wuxuuna gaadhay 26,000 BTC.

Barnaamijka Cash App oo uu leeyahay Jack Dorsey ayaa oggolaan doona isticmaalka Bitcoin ee ganacsiyada maxalliga ah iyo macaamilada stablecoins-ka, iyadoo la qorsheynayo in la bilaabo horraanta 2026.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Laanta ganacsiga caalamiga ah ee Alibaba ayaa bilaabaysa adeegyo AI oo isdiiwaangelin (subscriptions) ah, waxaana ay baadhaysaa bixinta lacag-bixinnada la tokenize-gareeyay ee USD/EUR iyagoo kaashanaya JPMorgan.

Bitfarms waxay hoos ugu dhacday 18% kadib markii ay ku dhawaaqday inay bilaabayso yareynta hawlgallada Bitcoin qodista, kuna beddelayso xarumo xog-ururin AI (AI data centers).

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

MoonPay ayaa soo bandhigtay xirmo ganacsi oo stablecoin ah oo ay ka shaqeyso M0, taasoo u suurtagelineysa shirkadaha inay soo saaraan oo maareeyaan stablecoins iyagoo adeegsanaya Blockchains badan.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment