Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.76 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.71%.
Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 37%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $649.83 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $454.27 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $111,254, hoos u dhac ah 2.70% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 3.67% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,952.1.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,160.69, sameeyayna hoos u dhac dhan 10.35% 24-kii saac ee u dambeeyay.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 5.46% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.43.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 0.27% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $193.81.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda Shiinaha iyo tan Maraykanka ayaa wadahadal ka yeelan doona arrimaha canshuuraha iyo xaddidaadda uu Maraykanku saaray alaabaha loo dhoofin karo shiinaha, waxaana shiri doona aqoonyahannada maaliyadeed.
Dawladda gobolka California ayaa ansixisay sharci cusub oo la yidhaahdo SB 822, kaas oo ka mamnuucaya gobolka inuu ganaaxo ama iibiyo hantida Kiribto ee aan cidna sheegan ilaa milkiilaha rasmiga ah uu bixiyo ogolaansho rasmi ah.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Ku dhowaad $326.4 milyan oo ah $BTC iyo $428.5 milyan oo ah $ETH ayaa la iibiyey Oktoobar 13-keedii.
ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 525 $BTC oo qiimahoodu yahay $60.4 milyan Oktoobar 13-keedii, halka ETF-yada kale ay iska iibinayeen.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Tether ayaa daabacday 1B oo $USDT ah.
Ganacsade sell u galay Bitcoin ayaa ku jira faa’ido dhan $18.4M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Maamulaha guud ee Tether, Paolo Ardoino, ayaa sheegay in toddobaadkan la sii deyn doono Wallet Development Kit (WDK) oo gebi ahaanba open-source ah waana qalab u oggolaanaya qof walba inuu dhisto ama sameeyo wallet u gaar ah oo lagu kaydiyo hanti dhijitaal ah.
Ripple waxay la kaashatay Immunefi si ay u bilowdo barnaamij tartan ah oo lagu raadinayo meelaha uu la nugul yahay borotokoolka wax dayminta ee XRP Ledger, si loo xoojiyo amnigiisa, ciddii heshana lagu abaalmarinayo $200,000.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Microsoft waxay soo bandhigtay MAI-Image-1, taas oo ah system-kii ugu horreeyay ee gudaha shirkadda lagu sameeyay, kaas oo loogu talagalay inuu soo saaro sawirro tayo sare leh oo dhab ah (photorealistic) si ka waxtar badan shirkadaha kale ee la tartamaya.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Elon Musk ayaa yidhi “Bitcoin waxay ku dhisan tahay tamar, lacagaha kale waa la iska daabici karaa, balse Bitcoin maadaama ay tamar ku shaqayso si bilaash ah looma samayn karo.”
Madaxa BlackRock ayaa sheegay inay samayn doonaan tiknolojiyad iyaga u gaar ah oo hantida lagu Tokenize-gareeyo.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
1 Comment
Abikar
Good