Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $86,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,834.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $847.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $130.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.03.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Sharciga Clarity Act wuxuu si federaali ah u aqoonsanayaa Bitcoin, Ethereum, iyo XRP inay yihiin Commodities oo hoos taga hay’adda CFTC, isagoo meesha ka saaraya dacwadihii iyo hubanti la’aantii mudada dheer kala dhaxeysay SEC.
- Guddiga Maaliyadda ee Senate-ka Maraykanka ayaa si rasmi ah 15-9 ugu codeeyay in la ansixiyo sharcig Digital Asset Market Clarity Act, oo ka kooban 309-ka bog. Labo mudane oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku soo biiray 13-ka xisbiga Jamhuuriga si sharciga loo mariyo.
- Sharcigan wuxuu hadda u gudbi doonaa guud ahaan madasha Senate-ka halkaas oo looga baahan yahay 60 cod si uu si buuxda u noqdo sharci dhaqangala.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Shirkadaha waaweyn iyo sanduuqyada maalgashiga ayaa hadda kaliya u iibsanaya Bitcoin inay kaydsadaan.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Sarrifka Binance ayaa si rasmi ah maanta u furay ganacsiga token-ka AIGENSYN. Mashruucan oo diiradda saaraya AI iyo computes-ka baahsan, waxaa lagu liis-gareeyay “Seed Tag” oo muujinaysa inuu yahay mashruuc cusub oo halistiisu sarreyso laakiin faa’iido weyn keeni kara.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Waxaa weli socda falanqaynta boorsooyin dhowr ah oo xilligii hore ee Bitcoin, muddo 13 sano ah aan la adeegsan oo shalay la dhaqaajiyay iyadoo la wareejiyay 500 BTC, taasoo khubarada qaar ay u arkaan inay tahay dib-u-habayn ay sameynayaan maalgashadayashii hore.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Solana ayaa maanta guulo ka sheegatay qaab-dhismeedka cusub ee Alpenglow. Nidaamkani wuxuu meesha ka saarayaa Proof of History wuxuu ku beddelayaa Votor iyo Rotor, taas oo keenaysa in lacag-bixinta ama macaamilka la xaqiijiyo, muddo ka yar 150 milliseconds.
🤖7. AI & Web 3.0
- Coins-ka diiradda saara AI sida AIGENSYN ayaa maanta kor u kacay +73% ka dib markii sarrifka Binance uu shaaciyay tijaabada iyo liis-garaynta farsamada cusub ee Gensyn.
🚨 8. Amniga
- FBI-du waxay xustay in khiyaanooyinka la xiriira maal-gashiga crypto been abuurka ah ay si weyn u beegsanayaan dadka hawlgabka ah. Waxaa dadweynaha lagula taliyay inay ka fogaadaan dadka ku dhiiri-galinaya inay lacagahooda si degdeg ah ugu maal-gashadaan crypto si ay hantidooda ah u ilaashadaan.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


