Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.82 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.21%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 37% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsida u janjeedha.

In ka badan $381.03 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $205.57 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $112,037, kor u kac ah 0.45% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 3.29% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,106.87.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,185.75, sameeyayna kor u kac dhan 1.18% 24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.63% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.49.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.78%waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $203.04

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Duqa magaalada New York, Eric Adams, ayaa ku dhawaaqay xafiiska Hantida Dhijitaalka iyo Tiknoolajiyada Blockchain (Office of Digital Assets and Blockchain Technology) isagoo adeegsanaya amar fulineed, si uu hore ugu sii wado ajandaha magaalada lagaga dhigayo xaruunta Kiribto iyo hal-abuurka dhijitaalka ah.

Xildhibaan Troy Downing ayaa soo jeediyay sharci cusub oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amar fulineedkii Trump, kaas oo oggolaanaya in Kiribtada iyo hantida maalgashi ee kale lagu daro koontada hawlgabka ee 401(k).

Senator Cynthia Lummis waxay soo bandhigtay laba arrimood oo degdeg ah oo ay tahay in Congress wax ka qabto kadib markii la qabtay 127,000 Bitcoin:

  • In la meel mariyo sharciga qaab-dhismeedka suuqa hantida dhijitaalka ah (digital asset market structure).
  • In la dejiyo sharci qeexaya sida Bitcoin-ka la qabtay uga qayb qaadanayo xoojinta Kaydka Istaraatiijiga ah ee Bitcoin ee Maraykanka (America’s Strategic Bitcoin Reserve).

Japan waxay mamnuuci doontaa ka ganacsiga Kiribto iyadoo laga faa’idaysanayo xogo aynan dadku hayn waxaana la hirgelin doonaa xeerar cusub oo mamnuucaya.

Dalka Kenya ayaa si rasmi ah sharcigooda ugu daray xeerka ay u dhigeen adeeg-bixiyeyaasha hantida dhijitaalka ah.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Ku dhawaad $102.7 milyan oo $BTC ah iyo $236.2 milyan oo $ETH ah ayaa la iibsaday 14-kii Oktoobar.

ETF-ka Ethereum ee Fidelity ayaa iibsaday 36,460 $ETH oo qiimahoodu dhan yahay $154.6 milyan 14-kii Oktoobar.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda tether ayaa daabacday 1B oo $USDT ah.

Macaamiisha Fidelity ayaa iibsaday $132.7 million oo $BTC ah.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bangiga weyn ee Faransiiska ODDO BHF ayaa bilaabay stablecoin cusub oo lagu magacaabo EUROD, kaas oo lagu xidhay lacagta yuurada (Euro-backed).

Dahabka ayaa gaadhay qiimihii abid ugu sarreeyay oo ah $4,200.

Shirkadaha maalgashi ee haysta Bitcoin ayaa kordhay ku dhawaad 40% saddexdii bilood ee aan soo dhaafnay, iyadoo hadda 172 shirkadood ay haystaan guud ahaan 1.02 milyan $BTC oo qiimahoodu yahay $117 bilyan.

Guddoomiyaha BitMine, Tom Lee, ayaa sheegay in haddii qiimaha Ethereum uu gaadho $12,000, taasi ma ahaan doonto koror xad-dhaaf ah (blow off top), balse waxay noqon doontaa heer cusub oo qiimuhu gaadhay uun. Isaga oo ula jeeda in qiimahaasi uunan ahayn wax la fogeysto.

Binance ayaa bilowday “Together Initiative” oo ah $400M si dib loogu soo celiyo kalsoonida, iyadoo bixineysa $4K–$6K $USDC loogu talagalay isticmaaleyaasha khasaaraha ka cabanaya iyo $100M deyn loogu talagalay hay’adaha, kadib hoos u dhacii suuqa ku yimaadday maalinkii dhawayd oo wax badan Binance lagu qasaaray.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI waxay qorsheyneysaa inay sii deyso nooc cusub oo ChatGPT ah kaas oo dib u soo celinaya shaqsiyad iyo is-dhexgal u eg bini’aadamka, iyadoo qaab dadka waaweyn u dhaqmaya la soo saari doono bisha December.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment