Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 16-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.53 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.95%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $428.25M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $342.60M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi karo shirkiisa uu la lahaa Madaxweynaha China, Xi Jinping, isagoo cadaadis saaraya Beijing si ay gacan uga geysato dib u furitaanka Marinka Hormuz.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

SEC ayaa si rasmi ah u joojisay dacwaddii laba sano socotay ee ka dhanka ahayd aasaasaha BitClout, Nader Al-Naji, iyadoo gebi ahaanba la laalay kadib markii dib loo qiimeeyay caddeymaha kiiska.

Golaha Senetka Australia ayaa taageeray nidaam shatiyeyn ah oo loogu talagalay is-weydaarsiyada Kiribto iyo shirkadaha kaydka (custodian) ee hantida dhijitaalka ah. Nidaamkan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in la dejiyo sharciyo cad oo lagu maamulo suuqa Kiribto isla markaana lagu xoojiyo ilaalinta maalgashadayaasha.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada Bitcoin.

BTC: $767.33M
ETH: $160.82M
SOL: $10.7M
XRP: – $28.07M

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Strategy ayaa iibsatay Bitcoin u dhiganta $1.6B.

BlackRock ayaa Coinbase ku shubtay 1,701 $BTC oo u dhiganta $124.88M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiime suuqeedka stablecoins-ka $USDC ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $55B.

Shirkadda deyminta Kiribto ee BlockFills ayaa gudbisay foomka kacitaanka kadib (bankruptcy).

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Alibaba Group ayaa qorsheynaysa inay bilowdo adeeg AI agent ah oo loogu talagalay shirkadaha iyo ganacsiyada, sida ay sheegtay Bloomberg.

Adeeggan cusub wuxuu u oggolaanayaa shirkadaha inay adeegsadaan wakiillo Garaadka macmalka ah (AI agents) si ay u qabtaan hawlo kala duwan oo ganacsiga la xidhiidha.

Maamulaha guud ee Tether, Paolo Ardoino, ayaa sheegay in kooxda Tether AI ay toddobaadka soo socda sii deyn doonto mashruuc weyn.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Qaab cusub oo token ah oo ERC-8183 la yidhaahdo ayaa dhowaan ay soo bandhigeen horumariyayaal ka shaqeeya nidaamka Ethereum.

Heerkan cusub wuxuu u oggolaanayaa AI agents inay si madax-bannaan uga fuliyaan macaamillo on-chain ah, iyadoo ay ku jirto nidaam escrow ah oo lacagta la sii daayo oo keliya marka hawsha la xaqiijiyo.

Ujeeddadiisu waa in la sameeyo ganacsi madax-bannaan oo u dhexeeya nidaamyada AI ee ku shaqeeya shabakadaha blockchain, taas oo mustaqbalka qayb ka noqon karta waxa loo yaqaan “AI-agent economy.”

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article